Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray (Akhriso)

July 3, 2014 - Written by Editor

taliyeGaroowe:-Waxaa maanta shir jaraa’id si wada jir ah ugu qabtay xarunta taliska ciidanka Asluubta Puntland ee magaalada Garowe Taliyaha ciidanka Asluubta iyo madaxa Hay’adda UNODC Puntland waxaan ay wax kama jiraan ku tilmaameen warbixin lagu daabacay qaar ka mid ah mareegaha Soomaaliyeed oo wax ka qoray xaalada dhaqaale iyo daruuf la soo gudboonaatay xabsiga cusub ee laga dhisay magaalada Garoowe oo ah mid casri ah.

Taliyaha Ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen.Cali Nuur ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay warbixinta lagu qoray Garowe Online ayna ka qaateen mareego kale wuxuuna ku tilmaamay warbixinta Garoowe Online in ay tahay mid xaqiiqda ka fog

Hoos ka Akhhriso warsaxaafadeedka Taliyaha Ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen.Cali Nuur Cumar 

Waxaan rabaa inaan halkan kaga jawaabo warbixin ay daabacday Mareegta Garoweonline. Taas oo ay sidoo kale ay ka sii xigteen webisteyo kale oo aanan ka shaqeyn horumarka dalka laguna yaqaan neceybka umadda reer Puntland.

Warbixinta oo lagu daabacay luuqada Soomaaliga, iyo English waxaa ka muuqatay masuulyad xumo iyo aqoon la,aan sida ku cad qodobadan:-

1.    Markii la qoraayo warbixin noocan oo kale ah waxaa haboon in wax laga weydiiyo cida ay khuseyso, iyo cida xog ogaal ka u ah goobta wax laga qoraayo.Waxaan caddeynayaa in Taliska Ciidanka asluubta aanan wax laga weydiin arrintan, taas oo su’aal gelin karta heerka aqooneed ee wariyayaasha qoray.

2.    Paragraphka 2aad, waxay sheegeen in Australia ay ka mid tahay deeq bixiyayaasha xabsiga. Taasi waxay mar labaad caddeynaysaa in dhamaan warbixintu ay khaldan tahay, tahayna mid lamala awaalay.Taas oo aan ku haboonayn xeerka saxaafada.

3.    Hadaad akhriso Paragraphka 3aad,ee Soomaaliga waxay ku tusunaysaa qofka qoray warbixintan inuusan xitaa lahayn xirfad wareynimo maxaa yeelay paragh kaas dhamaantiis waa khaldan yahay.

4.    Paragraphka10aad ee warbixintaSoomaaligawaxayiyanaku tusinaysaa cida qortay inaysan xitaa la socon waxay qorayaan, kana fiirsan warbixintooda saxnaantooda iyo khaladkeeda. Maxaayeelay waxay ka been sheegeen taariikhda dilka shaqaalihii UNODC oo ay dhaheen waxaa la dilay April,7th ,2013.

Sidaas Awgeed Waxaan halkan ka caddeynayaa:-

1.    In Dowladda Puntland ay bixisay mushaharaadka Ciidanka xabsiyada, ayna yihiin cida loogu hormariyo mushaharaadka ay Dowlada Puntland bixiso.

2.    In Dowlada Puntland ay bixiso dhamaan kharashaadka lagu maareeyo howl socodsiinta xabsiga, ayna diyaar u tahay inay sii bixin doonto iyada oo la kaashaneysa beesha caalamka.

3.    Warbixinta waxay dhaawacaysaa sharafta umada Puntland, waxayna saameyn ku yeelanaysaa shaqada wanaagsan ee ciidanka asluubtu ay u hayso umada Puntland.

4.    WaxaanUcaddeynayaaBeeshacaalamkaiyohayádahalashaqeeya Taliska Asluubta inaysan warbixintaas u qaadan sida loo qoray, xaqiiqaduna tahay sida aan anugu hada u dhignay.

ALLAA MAHAD
S/guuto :-Cali Nuur Cumar
Taliyaha Ciidanka Asluubta DPL

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online