Tartanka Qu,aanka oo lagu qabtay Degmada Carmo
July 12, 2014 - Written by EditorCarmo:-Munaasbad Balaaran oo loogu Tala Galay In lagu soo Gaba Gabeeyo Tartankii Quraanka Kariimka ah ee ka socday Masjidka Al Taqwa ee Degmada carmo Kaas oo ay ku tartamaayen 14 Arday oo ka Kala socotay madaarista ku taal degmada Carmo
Xafladan oo lagu qabtay Masjidka al Taqwa ayaa waxaa ku sugnaa Xubno ka Socday Mu.asasada Al Minhaaj .Culimo.Waxgarad .Waalidiin iyo Qaybah kala Duwan ee Bulshada
Ugu Horaytii waxaa Halkaas ka Hadlay Shiikh Cabdirixmaan Bukhaari oo ku Dheeraday Fadliga Quraanka Kariimka ah isagoo ku Booriyay dhamaan Dadkii ku sugnaa Masjidka inay ku xirnaadan Quraanka Kariimka ah Akhriskiisana Badiyaan si uu aakhiro u anfaco, Shiikha ayaa Dhamaan walidiinta iyo Maclimiinta kula Dardaarmay inay ku dadaalan barista Caruurta Quraanka iyo Micnaha uu leeyahay
Sidoo kale waxaa Halkaas ka Hadlay Cabdirixmaan Aw Ciise oo ku Hadlay Magaca Mu.asasada Al Minhaaj waxaana uu ka hadlay Doorka ay ku Leedahaya Mu.asasada Al Minhaaj Tartanka quraanka Kariimka ah iyo Mihiimada laga Leeyahay oo uu ku Tilaamamay inay ka mid yihiin
1-In la xoojiyo xifdinta Qur,aanka kariimka ah, da,yartana lagu xiro qur,aanka kariimka ah
2- In ardayda la baro axkaamta tajwiidka iyo sida loo dabaqayo ficil ahaan
3- In la soo saaro jiil xifdisan kitaabka alle
4- In ardayda la gaarsiiyo sidii ay qur,aanka ugu itqaanin lahaayeen sidii alle usoo dejiyey
5 In la dhiiri geliyo xifdinta kitaabka alle iyo weliba in la daa,imo xifdintiisa
6- In ardayda la barto qur,aanka iyo culuumtiisa iyo weliba in la muujiyo muhimaddiisa
7-In la muujiyo dhinacyada dhacfigu kaga jiro ardayda iyo weliba dhinacyada ay ku fiican yihiin
8- In kor loo qaado jacaylka ay ardadu u hayso joogtaynta aqrinta qur,aanka, xifdintiisa iyo kusugnaantiisa laabohooda
9-In lays baro layskuna xiro ardaydaas xifdisan kitaabka alle ee ka kala yimid magaalooyinka kala duwan
Intii ay Socotay xaflada ayaa waxaa ka hadlay waalidiin uu ka mid ahaa Yuusuf Axmed Ciise oo sheegay in Wax lagu Farxo ay Indhihiisu ay qabteen intii ay socodatay Munaasabadu iyo Shalay oo tartanka quraanka Kariimka ah la Bilaabay isagoona sheegay in ay ka Waalid ahaan ay Labo Jibaari doonan dadaalkooda
Nabdoon Salaad Siciid ayaa sheegay in tartanka quraanka Kariimka ah uu degmada Carmo waligiis ka Socon Jiray lakin uu ku Ekaa Degmada iyo Tuulooyinkeeda Hadana uu ku Faraxsan yahay in ardaydu u tartamaan Tartanada Guud ee Quraanka Kariimka ah ee Lagu Qabto Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland oo ay isugu Yimaadan Ardayda ka soo Gudubta degmooyinkooda waxaa kaloo uu sheegay in Guulihii ay soo Hoyeen Labadii sano ee la soo Dhaafay Ardayada degmada carmo ay ahayd mid lagu Faano.
no images were found
Ugu Danbayntii waxaa Abaal Marin la Gudoonsiiyay Dhamaan Ardaydii iyo Maclimintii wax Baraysay Ardayda tartantay iyadoona Lagu dhawaaqay sadexda Arday ee u Gudubtay inay ka qayb qaatan Tartanka lagu Qabanaayo Magalaada Garoowe kaas oo ay Isigu Imanayaan Dhamaan aradayda Soo Gudubtay waxaana Maantay aradaydii Ku guulaysatay ay kala ahaayeen
1.Quraankoo Dhan: Xamse Axmed Cabdilaahi
2.Labaatanka Jis: Maxamud Bashiir Siciid
3.Tobanka Jis : Barkhad Saalax cali
Ardaydan ayaa 18 ilaa 20 Bisha Ramadaan tagi doona Magalada Garoowe ee Caasimada Puntland iyagoona isku diyaarinaayah inay guulo ka Soo Hoyaan tartankaa
Musasat -Alminhaaj
Carmo