Ururka Al-qaacida iyo Qaacidada soomaaliyeed ee “Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa fujisa” W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
July 14, 2014 - Written by EditorAl-qaacida goortay kooxda DAACISH khaati ka istaagtay ayay iyaduna imaarad u samaysatay iyada oo raacaysa “qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa” iyo qaacidada “middi middi ku taag” Kooxahaani waxay ummadda muslimka ah u adeegsadeen magacyo diintu qiime u yeeshay oo Alle agtiisa ka weyn, sida: Aljihaad, Ku dhaqanka shareecada, Alwalaa’u wal-baraa’ (xiriirinta mu’miniinta iyo goynta gaalada), imaara islaamiya iyo ugu dambayn khalaafa islaamiya oo ah wax soo saarkii ugu dambeeyey ee miskaxda kooxda Daacish. Kolkay magacyadaas qaaliga ah muddo muslimiinta ku gumaadayeen ayay aakhirkii u baahdeen inay iyagu isu adeegsadaan oo waxay is dilkooda xujo uga dhiganayaan waxaan nahay dowlad islaamiya oo ay waajib tahay in la adeeco, ninkii diida ama jihaad aysan ogayn sameeya waa baaghi ama gaal ay tahay in la dilo oo sharkiisa ummadda iyo dowladda islaamka laga qabto.
Kolkii Abuu-bakar Albaqdaadi (hoggaamiyaha Daacish) ku dhawaaqay inuu yahay khaliifkii mu’miniinta oo uu joogo booskii Abuu bakar way muuqatay in tillaabadaani hordhac u tahay la dagaallanka Al-qaacida gaar ahaan tan joogta Shaam ee uu hoggaamiyo Abuu Muxammad Aljoolaani; sidaas darteed ayuu isna ku dhawaaqay imaara islaamiya!; si uu laftiisu taageerayaashiisa ugu sameeyo sharciyad ay ka duulaan ama ugu yaraan isku difaacaan.
Tan kale mowqifka Albaqdaadi wuxuu quusinayaa Dr. Ayman Aldawaahiri oo Amiir guud u ahaa Alqaacida iyo kooxaha mageceeda ku dagaallama; waayo hoggaamiye kooxeed lama oggola mar haddii Khilaafa guud lugu dhawaaqay ee waa inuu Ayman hoosyimaado Albaqdaadi oo imminka Khaliifa u dallacay.
Dhinac kale rag u dhuun-daloola xarakada Alshabaab ayaa ii sheegay in beryahaan xarakadu adicaayad ku wadey Amiirkii Alqaacida Dr. Ayman oo ay horay beeco ula gashay, luguna xamanayey inuu kharfay. Taas oo ay iigu fasireen in xarakadu u gogol-xaarayso ku biirida kooxda Albaqdaadi ee imminka khaliifaha muslimiinta labbistay.
Kolkay xogtaas ii sheegeen waxaan is iri: oo tolow Axmed Cabdi (Amiirka Alshabaab) maxaa Albaqdaadi daba-dhigay isagaaba ka imaara weyn, kana aqoon roone?, mise cajamnimadaa ninkaas caamayga ah ku xirtay?, mise arrintu intaaba kasii foge cid aan la khilaafi karin baa amarka bixisay?.
Bal arrimahaas ninkii noolaada halkay ku dambeeyaan ha eego.
Hoos ka Dhageyso Amiirka Jabhada Al-Nusra oo ku dhawaaqaya Imaara Islaamiya.
W/Q Sh. Axmed Cabdisamad
Somalia, Halgan.net