Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray magaalada Kismaayo
July 22, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.Michele Cervone Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu kulan gaara la qaatay Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan,( Axmed madoobe) iyo madax kale oo ka tirsan Maamulka Jubba.
Markii uu kulanka u dhexeeya Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, iyo Madaxweynaha Juba uu soo idalaaday ayaa waxaa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay labada Masuul waxaana ay sheegeen in ay ka wada hadleen qaabkii loo horumarin lahaa Jubbaland. Midowga Yurub ayaa dhaqaale u yaboohay Maamulka Juba si wax looga qabto arimaha amaanka ,adeega bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ,iyo horumarinta dib u heshiisiinta dadka wada dega deegaanada Jubooyinka.
Wafiga uu horkacayey Michele Cervone Ergeyga midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa booqashadiisa Kismaayo ku weheliyey Safiirada wadamada Sweden,Talyaaniga, iyo Ingiriiska.
Cabdi Yare
Kismaayo