Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada DFS oo gaaray Kismaayo
July 9, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee DFS Xuseen Cabdi Xalane ayaa maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose,waxaana wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba.
Wasiirka maaliyadda ee DFS Xuseen Cabdi Xalane ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin waxaa uu la qaatay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Ilaa haatan lama yaqaan wax ay ka wada hadleen Madaxweynaha Maamulka KMG ee Juba iyo Wasiirka Maaliyada DFS Xuseen Cabdi Xalane balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa in laba masuul ay la hadlaan warbaahinta.
Cabdi Yare
Kismaayo