Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.

July 19, 2014 - Written by Editor

IMG_3684Mogadishu, July 19, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Siihayaha cusub Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza .

Kulan gaar ah ayey wada yeesheen Wasiirka iyo Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya , iyadoo fadhigaasi looga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya ,Xoojinta,horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh , dib u furidda safaaradda cusub ee Dowladda Qatar ay ku yeelaneyso Caasimadda Muqdisho iyo qodobo kale .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa u rajeeyay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Hamza guul iyo xil gudasho ammaan leh .

Waxaa xusid mudan , in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka Qatar oo soo taxanaa muddo dheer .

no images were found

Dowladda Qatar ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya , waxa ayna caawinaad iyo kaalmo bani’aadanimo xilliyo kala duwan ugu deeqday qoysas saameeyay abaaro oo ku kala nool deegaano ka kala tirsan gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka Soomaaliya , iyadoo gargaarkaasi bani’aadanimo ay fuliyeen hey’adaheeda samafal ee ka howlgala dalka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online