Weerar lagu qaaday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya

July 8, 2014 - Written by Editor

villaMuqdisho:-Dablay hubaysan ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xaruna u ah Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, warar hordhac ah ayaa sheegay in weerarkaas ay u dhintaad ku dhawaad 7-8 qof oo u badan ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Dableyda Weerarka fulisay ayaa waxaa weerarkooda ay u adeegsadeen gaari walax qarxa laga soo buuxiyey oo ay doonayeen in ay xoog ku geliyaan Xarunta Villa Soomaaliya balse ciidanka ilaalada ayaa ka hortegay.

Ciidanka DFS iyo xoogga weerarka soo qaaday ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray gudaha xarunta Villa Soomaaliya waxaan ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labad dhinac walow aan weli si rasmi ah loo ogaan khasaarah inta uu le’eg yahay.

Dableyda Weerarka fulisay ayaa waxaa kale oo ay bartilmaamsadeen oo weerar ku qaadeen Safaaradaha Itoobiya iyo Jabuuti oo aan ka fogayn madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Xiliga weerarka xarunta Villa Soomaaliya uu dhacay ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Soomaaliya DFS Xassan Sheekh Maxamuud waxaan uu afur ku lahaa Dugsiga Xalane ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu.

Afhayeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirrada
ay nabad qabaan. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay fuliyeen weerar lala beegsaday xarunta villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayna ku dileen asakar ka tirsan ciidanka DFS.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online