Xaflad Afur iyo casho sharaf ah oo loo sameeyay Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland[Masawiro]

July 24, 2014 - Written by Editor

wdp6Leicester:-Waxaa magaalada Leicester loogu qabtay xaflad ballaaran oo soo dhaweyn ah wasiirka duulist iyo garoomada Puntland Mudane Xassan Xaaji Siciid maalinimadii shalay oo ay aheyd Talaado 22/07/2014. Xafladaas oo aheyd Casho sharaf iyo afur ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyey jaaliyadda reer Puntland ee magaalada Leicester.

Xafladaas ayaa markii ugu horeysay lagu furay aayadaha Quraanka kariimka ah oo uu aqriyey Abshir Shinni ka dib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyaya Cali idiris oo isagu ku hadlayey magaca odayaasha magaalada oo isagu halkaas kasoo jeediyey hadalo soo dhaweyn ah., ka dibna waxaa sidoo kale hadalo soo dhaweyn ah goobta ka jeediyey Cabdikeyf Bashiir oo isagu ah gudoomiyaha hay’adda Socopa oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester.

Waxaa isaguna kalimado halkaas kasoo jeediyey Yaasiin Xarago oo ka mid ahaa wafdigii la socday wasiirka ee ka yimid magaalada Birmingham. Intaas kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay wasiirka oo runtii maalintii shalay halkaas kasoo jeediyey qudbad qiimo leh oo dhinacyo badan taabaneysay. Wasiirku wuxuu dadkii halkaas isugu yimid u ballanqaaday in haddii Allaah uu yiraahdo fasaxa kuleylaha danbe in qurbojoogta reer Puntland ay kusoo degi doonaan garoon dhameystiran oo caalami ah. Runtii hadalkaas aad iyo aad ayaa loogu riyaaqay, Khudbaddii wasiirka k adib waxaa halkaas leysku weydaarsaday su’aalo fara baddan oo uu runtii si loogu qancay uga jawaabay wasiirka.

Intaas ka dib waxaa la gaaray xilligii afurka halkaas oo lagu afuray, salaadii maqribka lagu wada tukaday kadibna lagu casheeyay. Xafladiina waxa ay ku soo gabgabowday jawi aad u qurxoon oo aad looga wada maqsuuday.

Xafladda waxaa xiriirinayey Gudoomiyaha jaaliyadda Puntland ee Leicester oo isagu hormuud u ahaa qabsoomidda xafladan Mudane Cabdixakiim Jaamac Jooje, dhanka mediaha waxaa naga caawiyey hay’adda Gandaal Media oo uu hormuud u ahaa Shiine Guuleed. Waxaan iyaguna aan halkaan uga mahadcelinaynaa dadkii sida gaarka ah xafladaan gacanta weyn uga geystay oo ay ka mid ahaayeen Farxaan Cali Nuur, Liibaan Xirsi, Cabdisamad Qeyliye iyo Cabdirishiid Beeldaaje. Waxaan kaloo u mahad celinaynaa dhamaan dadkii kasoo qeybgalay xafladan iyo kaalinta ay ka geysteenba.

no images were found

Mahadsanidiin

Bahda Iftiinshe Media

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online