Xaflad Quraan iyo xil kala wareegid Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan

July 13, 2014 - Written by Editor

2Sudan:-Habeenimadii jimcada ee bisha Ramadan ee barakaysan ay aheyd 13ka waxaa ka dhacay qaacada weyn ee jaamcadda Ifriiqiya Al- caalamiyah shir uu soo agaasimay ururka Quraanka Kariimka ee ardada Soomaliyeed ee Sudan. Kulankaas oo ahaa mid aad loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Khartuum, gaar ahaan aqoonyahano, Culimo Somaliyeed, iyo ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadaha wadankaas wax kadhigato. Waxaa sidoo kale meesha kadhacay xil wareejin ay sameeyeen xubnihii hore u hayey maamulka hay’adaas oo xilkaas soo hayey ilaa iyo sanadka 2010.

Sh.Maxamuud Abuu Shayba oo kamid ahaa dadkii kalmadaha ka jeediyey xafladda ayaa ku amaanay ardada Soomaaliyeed abaabulka ay u galeen nooleynta quraanka kadiimka. Sidoo kale wuxuu ka digay sheekhu dhaqanka ku soo batay bulshada Soomaaliyeed ee ah in dhalinyaradu Qur’anka xifdiyaaan dabadeedna iska ilaawaan Dadkii kahadlay goobta waxaa ka mid ahaa Dr Xuseen Bashiir oo ka ahaa macallin jaamacadda Ifriiqiya xili dheer, iyo waliba aqoonyahano kale oo Soomaaliyeed.

Jimciyada Qur’anka ee ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Sudan waxaa la’aas aasay taariikhdu markay ahayd 1999kii, iyadoo mudadaas tartan iyo nashaadaad diini kala duwan. Waxaa xusid mudan in shacabka Soomaaliyeed lugu tiriyo inuu ka mid yahay shucuubta aduunka ugu Qur’an xifdiska badan, hadduunan ba ahayn shacabka ugu horeeyo, inkastoo uu ku suganyahay xaalad daganaasho la’aan ah.

Baaq iyo talo

Intaa kadib, anigoo aad ugu farxay xafladdan qiimaba badan, waxaan soo gocday in dalka soomaaliyeed ee intaa la eg, luguna tilmaamo wadamada ay ku noolyihiin tirade ugu badan ee xufaadu Qur’an ah, hadana inuusan lahayn jamciyad guud oo uxilsaaran daryeelka Quraanka, horumarinta dugsiyada Qur’anka, tababarka macalimiinta, iyo abaabulka tartannada Qur’anka, kadib markay daciiftay jamciyaddii Qur’aanka Kariimka Soomaaliyeed ee uu madaxda ka ahaa Sh C.Raxmaan Acraj, oo qabatay hawlo badan, ardadeediina dunida dacalladeeda ay gaareen.

Sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa culimada, iyo inta ka damqanaysa Qur’aanka Kariim in la helo rag u istaago asaasidda jamciyad guud oo ka shaqayso horumarinta dugsiyada Quraanka, koryeelidda barashada Qur’anka iyo ku dhaqankiisa.

Cumar Maxamed Warsame, Khartuum, Sudan
Binwarsame99@gmail.com

.

Leave a comment

*

Archives
July 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online