Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd oo Muqdisho lagu dilay
July 3, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay magaalada Muqisho Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Xeyd, waxaabn dhaawac uu weerarka lagu dilay Xildhibaanka ka soo gaaray qof la socday. Dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaan ay bilaabeen howl galo ay ku baarayaan cid dishay Xildhibaanka balse uma suuro geli ilaa hadda in ay gacanta ku dhigaan kooxda dableyda ah ee dishay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd.
Dilka Xildhibaankan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili magaalada Muqdisho ay ka wadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya maalmihii u danbaysay barmaamij loogu magac daray ” Nabad ku Afura” walow dilal kale duwan loo geystay Askar ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay dilka Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd waxaa ay ku goodyeen in ay sii wadi doonaa beegsiga Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cid walba oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net