Xildhibaan Cumar Bagadi oo lagu dilay magaalada Muqdisho
July 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Kooxo hubeysan ayaa saaka mar kale waxaa ay ku dileen magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna magacaabi jiray Xassan Bagadi. Dilka Xildhibaan Xassan Bagadi ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyey Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Weheliye (Waqaa), isagoo sheegay in kooxda dilka u geystay Xildhibaan Xassan Bagadi ay ku hubaysanaayeen Bistoolado ayna markii ay dilka geysteen ay goobta ka baxsadeen.
Waxaa dilka Xildhibaan Xassan Bagadi ka tacsiyeeyey Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Ma jirto ilaa hadda cid sheegtay dilka Xildhibaan Cumar Bagadi balse ururka Al-shabaab ayaa maalmo ka hor dilal kale duwan ugu geystay qaar ka mid ah Xildhibaanada DFS iyo ciidanka Taraafikada ee baabuurta kala haga ee Muqdisho waxaana ay ku goodiyeen in ay beegsan doonaa Xildhibaanada DFS iyo cid walba oo masuul ah oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net