3 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo Muqdisho lagu toogtay

August 3, 2014 - Written by Editor

xukun-dilMuqdisho:-Maxkamadda ciidanka qalabka sidda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukun  dil ah ku fulisay saddex dhalinyaro ah oo ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab. Dhalinyarada saaka dilka lagu fuliyey ayaa waxaa ka mid ahaa Xassan Muxiyidiin Xassan oo ahaa ninkii fududeeyey weerarkii ay ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Xarunta Villa Soomaaliya lana doonayey in lagu khaarajiyey Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sh Maxamuud.

Waxaa kale oo saaka dhalinyarada la dilay ka mid ahaa 2-bo dhalinyaro ah oo magacooda lagu sheegay Bashiir Xassan Maxamed iyo Aadan Maxamed Xasan oo lagu eedeeyey in ay dilal ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Dilka lagu fuliyey seddexdaan dhalinyarad ah ee lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin amniyaadka ururka Al-shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay Barxadda weyn ee School Polizia ee magaalada Muqdisho.

Goobta dilka uu ka dhacayey ayaa waxaa goob joog ka ahaa  Guddoomiyaha sare ee Maxkamadda ciidanka qalabka sidda ee DFS Gaashaanle sare C/raxmaan Maxamed Tuuryare Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online