Al-shabaab oo weeraray xarunta nabadsugida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
August 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaadeen xarunta nabad sugida ee gobolka Banaadir iyadoo dhalin yaradaan uu dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan nabadsugida dagaalka xoogiisu uu ka dhacay Godka Jilacow. Weerarkaan ayaa waxaa fuliyey ilaa 8 dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka Al-shabaab waxaan ay qorshahoodu uu ahaa in ay gudaha u galaan xarunta nabad sugida ee Gobolka Banaadir waxaan dagaalka la isk adeegsaday hubka fudud iyo bambaanooyin.
Afhayeenka wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidanka nabadsugida ay dileen ilaa 7 ka tirsan ciidanka Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday xarunta nabadsugida halka mid kalena uu is qarxiyey. Afhayeenka wasaaradda amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in ciidanka dowladda ay ka dhinteen 3 askari iyo hal qof ah oo shacab ah, ayna ciidanka nabasugidana DFS ay ka hortageen weerarka uga yimid Al-shabaab.
Dhinac kale masuuliyiin ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen xarunta nabadsugida ay guul ka gaareen khasaaro fara badan ay gaar siiyeen ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Saacaddaha soo socda ayaa la sugaa in madaxda Al-shabaa ay la hadlaan saxaafadda ayna ka warbixin doonaa weerarka ay ku qaadeen xarunta nabadsugida e e Godka Jilacoow.
A/cawaale
Halgan.net