Arday baratay Hingaadda iyo Akhrinta Qur’aanka kariimka oo shahaadooyin lagu siiyey Qardho.[Masawirro]

August 29, 2014 - Written by Editor

Dugsiga_Daaru-Sacaada_Qardho (6)Gaalkacyo:-Dugsiga Daaru Sacaada oo ka mid ah Dugsiyada lagu barto Qur’anka kariimka iyo Culuumta aasaasiga ayaa shahaadooyin siiyey 31 arday oo bartay Hingaadda akhriska Qur’aanka kariimka kadib markii ay dhameysteen Muddo lix bilood ah oo waxbarashadaani loo waday. Xaflad lagu dhiiragalinayo laguna weyneynayo Qur’aanka kariimka ayaa waxaaa lagu qabtay Masjidka Ibraahim waxaana ka soo qeyb galay Gudoonka waxbarashad Degmada Qardho Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Daaru sacaadda,Macalimiinta Masaaridda ee waxka dhiga Machadka Al-azhar Qardho,waalidiin iyo marti sharaf kale.

Cumar Siciid Mataan Maamulha Digsiga Xifdinta Qur’aanka kaariinka ee Daaru Sacaadda ayaa ka hadlay Xafladaani…”Maanta waxaa halkaan lagu sharfayaa Ardayda dhameystay Hingaadda AKhrinta Qur’anka oo bilow u aheyd barashada Qur’aanka kariimka iyo Diinta Islaamka,waxa ayna gaarayaan 31 arday oo isugu jiro Wiilal iyo Gabdho,maanta waxaa la siinayaa Abaalmarino iyo Shahaadooyin cadeyn u ah in ay Barteen Hingaadda,waxaan si gaar ah ugu mahadcelinyaan Macalimiinta iyo Waalidkii ku dadaalay in heerkan ay soo gaaraan la’aantooda iyo diyaarintooda ayee ku timid in la helo arday u heelan in ay Bartaan Hingaadda iyaga oo aad u yar yar…..” ayuu yiri Maamulaha Dugisga Daaru’sacaadda Qardho.

Siciid Maxamed Faahiye Gudoomiyaha Gudoonka Waxbarashada Degmada Qardho oo ka hadlay munaasabaddaani ayaa sheegay in uu ku farxsanyahay ka qeybgalka Xaflad lagu maamuusayo arday loo diyaariyey in labaro Qur’aanka kariimka muddo lixbilood ahna laga soo dhisay habka akhrista kicinta Qur’aanka kariimka…….”Walidiinta waxaa looga baahanyahay in ay ogaadaan Xuquuqda uu ku leeyahay in Caruurta akhlaqiyan u dhisaan,aqoon ahaan u dhisaan dhinac walbo in ay ka dhisaan,waalidka waa in uu noqdaa mid la socdo waxa ay soo dhigtaan Caruurta iyo sida uu ahmiyadda u siinayo waxa uu baranayo,waalidka waxaa looga baahanyahay in Talada ay wax ka siiyaan caruurtooda si ay u ogaadaan waxa uu ku fiicanyahay iyo waxa uu ku liito waxa ay Jecelyiin iyo waxa ay necebyihiin laguna dhiiri galiyo waxbarashada ”ayuu yiri Siciid Maxamed Faahiye.

Dugsiga Daaru Sacaadda waxa uu magaalada Qardho ka furanyahay muddo saddaxsanadood ah waxana u qeybsamaa labo qeybood Daaru sacaadda kow iyo Daarusacaadda labo Tan iyo marki la furay waxaa ka baxday 9 Dufcadood oo baratay Qur’aanka kariimka,iyadoo kaalin muuqda kaga jira Tartanka Qur’aanka kariimka ee la qabto Ramaaan walbo,iyadoo Sanadkaani Kaalinta Koowaad ka galay 20 iyo 10 Jus Tartankii loo qabtay Dugsi Qur’aanada ku yaalo Magaalada Qardho,waxa uuna Tartanka Guud ee Dugsiyada Qur’aanka Puntland ka galay kaalinta Saddaxaad,waxa ayna taa muujineysaa in Dugsiga Daaru Sacaadda ay ka socdaan dadaalo waxbarashado oo dhanka Qur’aanka kariimka.

no images were found

 

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online