Banaanbax saaka ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood

August 14, 2014 - Written by Editor

lasanoLaascaanood:-Waxaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool banaanbax lagu taageerayo maamulka Khaatumo oo hogaankiisa loo doortay Prof Cali Khaliif, dadweyne dhigayey banaanbax ayaa waxaa rasaas fara badan ku riday ciidanka S/land  si ay u kala cayriyaan dadweynaha dhigayey banaanbaxa. Ciidanka Booliska S/land ee magaalada Laascaanood ayaa markii ay ku guulaysan waayeen in ay ha kiyaan banaanbax ay dadweynuhu dhigayeen ay u yeerteen ciidanka Milateriga S/land kuwaas oo hub waaweyn ku riday shacabkii dhigayey banaanbaxa sidda ay soo tabinayaan wariyaasha ku sugan magaalada Laascaanood.

Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidanka S/land ay dhaawacyo kale duwan u geysteen dadkii dhigayey banaanbax ayna qabteen dad badan oo aan ilaa hadda tiradood si rasmi ah loo shaacin waxaa kale oo dhac iyo boob loo geystay dukaamo ay lahaayeen dad shacab ah.

Ciidanka S/land ayaa waxaa ay xireen dhamaan Koontorolllada magaalada Laascaanood iyagoo ka foojigan in magaalada gudaheeda ay soo galaan taageerayaasha maamulka Khaatumo ee lagu dhisay magaalada Saaxdheer

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online