Barre Hiiraale oo sheegay in uu aqbalay in uu tago Kismaayo(Dhageyso)
August 28, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa wuxuu u sheegay in uu soo dhaweynaayo oo uu aqbalay heshiis hordhac ah oo ay shalay gaareen garabka uu hogaamiyo iyo Maamulka KMG ee Juba waxaana uu sheegay in khilaafka lagu xalin doono wada hadal .
Barre Hiiraale ayaa saaka waxaa uu wareysi kooban siiyey laanta afka Somaaliga ee BBC wuxuuna sheegay in si sharuud la’aan ah uu ku aqbalay ka qaybgalka shirweynaha dib u heshiisiinta ee lagu qabanayo 21-ka bisha September magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa sheegay in isaga iyo ciidankiisa ay tagi doonaan magaalada Kismaayo ayna DFS iyo IGAD ay u diyaariyeen goobihii ay degi lahaayeen wuxuuna sheegay in khilaafka lagu xalin doono wadahadal dhexmara labada dhinac ee horey ugu dagaalamay magaalada Kismaayo.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Col.Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) uu siiyey BBC-da
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/znzvvziumh/Bare.mp3]
Cabdi Yare
Kismaayo