Prof.Cali Khaliif Galayr oo loo doortay madaxweynaha Khaatumo[Masawiro]

August 14, 2014 - Written by Editor

hhhhhhhhSaaxdheer:-Waxaa beryahaan ka socdey degmada saaxdheer oo 72km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada laascaanood ee xarunta Gobolka Sool shirweynihii 3aad ee maamulka Khaatumo waxana halkaasi lagu doortay baarlamaan cusub oo uu yeelan doono maamulkaasi kana kooban 31 xillidhibaan.

Waxaana isla maanta dhacday doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka,iyadoona na jagada madaxweynanimada ee maamulkaasi uu ku guulaystay Prof Cali Khaliif Galaydh oo hore uga soo noqday Ra’iisul wasaare DFS isagoona helay ilaa 21 cod kana guulaystay madaxweynihii xilligiisu dhamaaday ee Maxamed yuusuf Jaamac (indhaseel) oo helay 9 cod,halka hal codna uu xumaaday.

Dhinaca kale jagada madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa ku tartamayey 8 musharax,waxana wareegii 3aad iskugu soo hadhay mudane Cabdul Max’ud Cali(cagalule ) iyo Mukhtaar Ibraahim Xabashi waxana ugu dambayn ku guulaystay jagadaasi mudane Cabdul Max’ud Cali(cagalule ) isagoona helay 19 cod , halka mudanihii kalena uu helay 12 cod.

Ugu dambayntiina doorashada maamulka Khaatumo ayaa ku soo dhamaatay jawi farxad leh iyadoona dhamaaan dadkii madashada kasoo qaybgalay oo isugu jiray odayaal dhaqameed ,arday,macalimiin, Ganacsato,,iyo culimaba ay ilaahay uga baryeen maamulkan cusub ee la doortay in uu u fududeeyo hawshaasi,iyadoona gabagabadii munaasabadda halkaasi lagu dhaariyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

no images were found

Ahmed Said
Saaxdheer
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online