Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay degmada Kuntu-Waarey iyo Fiidow (Masawiro)
August 31, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta la wareegay degmada Kuntu-Waarey oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ka soo ruqaansadeen Degmada Buula -Mareer.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidi oo ku sugan Kuntu-Waarey ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay si nabad kula wareegeen,degmada Kuntu-Waarey
C/qaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka carareen degmada Kuntu-Waarey ee Gobolka Shabeelaha Hoose uusana ka dhicin wax dagaal ah
Dhanka kale Wararka ka imanaya deegaanka Fiidow oo ah marin kala qeybiya gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay lawareegeen deegaanka Fiidow oo ah marin istiraatiiji ah oo iskuna xira gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
no images were found
Deegaanka Fiidoow oo qiyaastii 63-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe waxaana ciidanka DFS horkacayey Abaanduulaha ciidanka DFS Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi wuxuuna sheegay in ay ku wajahan yihiin Degmada Jalalaqsi
A/Cawale
Halgan.net