Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Buulo-Mareer
August 30, 2014 - Written by EditorBuulo-Mareer :-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saaka ay ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka soo weerareen degmada Buulo-Mareer .
Guddoomiyaha gobollka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii,oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ay qabsadeen degmada Buulo-Mareer khasaaro badana ay u geysteen Al-Shabaab.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii Guddoomiyaha gobollka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay ka gudbeen degmada Buulo-Mareer ayna ku siijeedaan Degmada Baraawe.
Ilaa haatan Al-Shabaab ayaan ka hadal gulus colaadeed ee lagu kiciyey iyo deegaanada laga qabsday
A/Cawale
Halgan.net