Ciidanka Sirdoonka Kenya oo sheegay in ay Nairobi ku qabteen Xassan Xanafi

August 6, 2014 - Written by Editor

xanafiNairobi:-Ciidanka Nabad sugidda Kenya ayaa sheegay in ay ay ku qabteen magaalada Nairobi Xassan Xanafi Xaaji oo ka mid ahaa wariyaasha la shaqaysan jiray ururka Al-shabaab laguna eedeeyey in uu wax ka ogaa dilal qorshaysan oo lagu dilay wariyaal kale duwan oo ururka Al-shabaab ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Xassan Xanaf Xaaji ayaa sirdoonka dalka Kenya shegeen in ay ku qabteen magaalada Nairobi meel ku dhow Masjidka Al-hidaaya ka dib  markii dowladda Federaalka ay wargelisay ciidanka Kenya in Xassan Xanafi Xaaji uu soo galay dalka Kenya bilo ka hor.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku eedeeysay Xassan Xanafi Xaaji in uu ka danbeeyey dilal qorshaysan oo lagu dilay Allaha u naxariistee wariyaasha kala ah;-

1. Mahad Axmed Cilmi.

2. Cali Imaan Sharmaarke.

3.Saciid Tahliil

4. Sh. Nuur Abkey

Xassan Xanafi Xaaji ayaa la sheegayaa in ay jiraan dhalin yaro kale oo lala qabtay waxaan socda wada hadal ay dowladda federaalka ay ku doonayso in lagu soo wareejiyo oo loo soo gacan geliyo.

Ilaa haatan ma jiraan maqal iyo muuqaal ay soo bandhigeen Ciidanka Sirdoonka Kenya si loo xaqiijiyo in ninka ay qabteen uu yahay Xassan Xanafi .

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online