Col.Bare Hiiraale iyo Ciidamadiisa oo lagu soo dhaweeyey Kismaayo

August 30, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Col.Bare Hiiraale iyo ciidamo daacad u ah lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose ka dib markii ay heshiis wada gaareen Maamulka Juba iyo Garabka Col,Bare Hiiraale.

Masuuliin ka tirsan Maamulka KMG ee Juba oo ugu horeeyo Madaxweynaha Juba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo masuuliin kale ayaa kulan albaabada u xiran yihiin waxaa ay la qaateen Col, Bare Hiiraale waxaana la filayaa in Col.Bare uu u duulo magaalada Muqdisho.  Ciidanka daacada u ahaa ee Col.Bare ayaa waxaa la dajiyey Garoonka Diyaaradaha ee Madhamaato  iyaga oo hubka ay ka dhigeen ciidanka AMISOM.

Col .Bare Hiiraale ayaa sheegay in ay aqbaleen in ay wixii khilaafa ee u dhexeeya garabkiisa iyo Maamulka KMG ee Juba ay wada hadal ku dhameeyaan wuxuuna u mahad celiyey wasiirada ka socday DFS iyo Ururgobaleedka IGAD oo sahlay in heshiis ay gaaraan Maamulka Juba iyo Garabka Col.Bare Hiiraale. Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Col.Bare uu haatan u baqooli doono magaalada Muqdisho waxaana diyaaada gaar ah u soo dirtay DFS.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online