DFS oo waraaqihii Danjiranimo ka gudoontay safiirka cusub ee India

August 24, 2014 - Written by Editor
DSC07119Mogadishu, August 24, 2014- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda India u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Yogeshwar Varma

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay warqadaha aqoonsiga , isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed  iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya si gaar ah ganacsiga, wax soo saarka beeraha ,farsamada dharka  ,kaluumeysiga , la dagaalanka burcad badeeda iyo argagaxisada. 
 
Wasiirku waxa uu muujiyay kaalinta dowladda India ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday kordhinta deeqaha waxbarasho tooska ah ee dowladda ay ugu deeqaan si sanadle ah,tababaridda diblomaasiyiinta, tababaridda iyo qalabeynta ciidamada badda iyo maalgelinta mashruuc la xiriira kaluumeysiga, si kaluunka Soomaaliya loogu iib geeyo Suuqyada caalamka.

Danjire Yogeshwar Varma ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda India Mrs. Sushma Swaraj , isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda India uu si rasmi ah u bilowday bilowgii sanadkii 1961 , mudadaas kahor waxaa xiriir isdhaafsi ganacsi ka dhaxeeyay labada shacab oo  doomaha shiraaca leh dhanka badweynta India isku weydaarsan jiray dharka,sokorta, xoolaha nool iyo dhirta laga sameeyo waxyaabaha udugga iyo carafta leh.
 
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online