Dhalanteed iyo dhaan dabagaalle W/Q Sh Cabdirisaaq Sugulle
August 9, 2014 - Written by EditorQormadan waxaa ay daba joogtaa qormooyin uu hore u soo qoray Sheekhanaa Alfaadil sheekh Maxamuud Shiblle (Allaha dhowree) uu hore ugu bixiyay ”Ayaan Darane”, isagoo ku muujinayay rag ay ayaan daro ku dhacday oo diintoodii laga siistay shilimaad, aakhirkiina ku dhamaaday meel daran iyo reero muskood.
Anigu dhacdadaan soo socota waxaan u bixiyay Dhalanteed iyo dhaan dabagaalle ( waana laba erey oo isku macna ah, aanan is iri waxaa ay soomaalidu u adeegsataa waxa aan jirin ee xaqiiqada ka fog), taasoo idiin muujin doonta sida dad badan oo diintooda u xamaasadaysan ay ugu nool yihiin dhalanteed iyo dhaan dabagaalle. Waliba dadkaasi kooxda ugu badan ee dhalanteedkaas la qaadsiiyaa waa dhalinta soo koreysa oo diin mooda wax aan sax ahayn oo loo hoosaasiyay, aakhirkana ku dhammaada dariqii Ayaan darane ee uu sheekh Shible hore uga sheekeeyay.
Sheekadan ma ahan mid la allifay ee waa dhacdo ay raggii dhalanteedka jilayay laftigoodu soo qoreen, markii ay dantoodii ka gaareen, ( waxaa jira muran xoog badan oo ka aloosan baraha internetka oo qaarna ay diidayaan jiritaanka sheekadan, qaarna ay sugayaan, balse waxaan ku dabadari doonaa mid kolley aan hubo dhabahaanteeda oo sanad sax ah lagu soo weriyay oo midaan shabahda) waxaana ay ku bilaabatay sidatan:
Waa camiil u dhashay dalka Maraykanka, oo ku dhaqaaqay inuu bixiyo oo sii daayo garkiisa, islamarkaana wuxuu akhristay macluuumaad ku saabsan Islaamka, kooxda loo yaqaan Salafiyada Jihaadiga iyo afkaarta ururka Al-qaacida. Waxaa ay Maraykanku siiyeen tababaro khaas ah, sidoo kale waxaa lagu taagay baasaboor iyo Jinsiyad bug ah (been-abuurah) . Waxaa la siiyay magaca ah Taysiir Joodat Abdil haadi oo laga dhigay nin caddaan ah oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Lubnaan.
Waxaa u suurtagashay inuu ku dhex milmo safafkii Al-qaacida ( Ileyn nin cad oo gar leh haddii la arko waa walaal muhaajir ah oo jihaad doon ahe), wuxuuna sheegtay inuu yahay nin ka soo jeeda dalka Arjnetiin, kuna noolaa wadamadaas laatiinka Maraykanka, uuna sababta uu halkaan u yimid ay tahay Jihaad.
Durbadiiba wuxuu TOM oo markii uu mujaahidka ahaa la baxay magaca Abuu Liwaa noqday hogaamiye jihaadi ah oo ururka alqaacida ka tirsan, wuxuuna u xilsaarnaa oo fuliyay qaraxyo loo geystay goobo ay shiicadu leedahay, isagoo qaabilsanaa inuu goobahaas la qarxinayo u diro dhalinyaro uu diyaariyay.
Sidoo kale wuxuu soo diyaarin jiray qorshe lagu qarxinayo ama lagu weerarayo saldhigyo iyo qalabka milatari ee ciidamada Maraykanka ee joogay Ciraaq, marka uuu howsha diyaariyana wuxuu u diri jirey Ayaan daranayaal xamaasadeysan oo dhalanteedka run mooday. Inta ay sii socdaan oo aanay meeshaba gaarina, wuxuu ku wargelin jiray ciidanka Maraykanka, dabadeedna dhalintaasi iyagoo aan meelba gaarin ayaa la layn jirey ama la xiri jirey ( Akhristoow ma moodaa xaalkaas dhalanteedka inuu u eg yahay kan hadda ka dhaca beryahan madaxyooda Villa Somalia iyo kii ka dhacay maxakamadda Banaadir).
Waxaa kaloo Abuu Liwaa ama TOM uu ku guuleystay dilka odeygii Alqaacidada Ciraaq ee dhalanteedka iyo dhaanka dabagaalle uu la tagay ” Abuu Muscab Alzarqaawi oo uu saaxiib dhab ah la ahaa, sidoo kalena wuxuu fuliyay dilkii ninkii ku xigay Zarqaawi ee Abuu Ayuub Al misri . ( waa yaabe ragga maxaa caqligii kala tagay, haddiise dhalanteedka iyo dhaanka dabagaalle uu qaar la tagay, kuwa kale may fahmaan, sow tan nalaga bad-badiyay nimanku mukhaabaraadkoodu waa khatar?!!!)
Waxaaba taa ka sii darnayd oo wax lala yaabo ahayd in TOM uu khadiib iyo imaamba ka noqday goobaha ay isugu yimaadaan xubnaha Alqaacida iyo goobaha ay ku tababaranayaan.
TOM markiii uu dhamaaday dagaalkii weynihi Ciraaq iyo Maraykanka ayuu wuxuu ku dhaqaaqay inuu sheekadiisa soo bandhigo oo sirtaa kashifo, sidoo kale sawiradiisii garkii quruxda badnaa ee dheeraa ( malaha waaba kan lagu raacey, oo diinta la moodaye) iyo kan uu caadiga yahayba. Sababta uu arinkan u soo bandhigayna waa isagoo ka baqayay in sirdoonka Maraykanku uu dilo, si aanu arinkooda u fashilin ama ay faraha uu ka hayo u tirtiraan ( Si kale haddaan u niraahana si aanu u noqon Ayaan daranayaal oo kale).
Sheekada labaad ee dhalanteedka iyo dhaanka dabagaalle soo hoosgalaysa waa sheeko uu noo sheegay walaal aan diintiisa iyo dhaqankiisa ku kalsoonahay..Arinkan oo haatan qiyaastii laba sano laga joogo waxaa ay ku bilaabatay sidatan: Waxaan tagay dalka bangaladesh oo aan u raacay jamaaco dacwada tabliiqa, dabadeed waxaan ku kulannay walaal la socday Jamaacadaas oo u dhashay dalka Ciraaq, muddo markii aan isbaranay ayaan isweydiinay qof walba halka uu ka yimid iyo sida uu ku soo baxay khuruujkan.
Walaalku wuxuu ii sheegay in uu ka yimid haatan dalka Suuriya . Waxaan ka tirsanaa buu yiri kooxdii mujaahidiinta ahayd ee sutida u haysay dullaankii Maraykanku ku soo qaaday Ciraaq, waxaan aad ula dagaallanay anagoo uu jihaadku daacad naga ahaa ciidankii huwanta ahaa ee Maraykanku uu hogaaminayay. Muddo kadib waxaa noo yimid rag fara badan ooo ajaanib ah oo noo muuujiyay daacadnimo iyo diiin wanaag oo sheegay in ay Jihaad u yimaadeen dalka Ciraaq..Muddo ayay raggaasi nala joogeen illaa aanu is baranay oo aan aaminay. Nin ka mid ah raggaas oo u dhasahay dalka Urdun sida uu noo sheegtay ayaan ku daray oo u guuriyay gabar walaashey ah. Gabadhii ayaa waxay noo soo gudbisay arimo la yaab leh oo ay ku aragtay ninkaas.
Waa tan koowaade ma gudna ninku oo wa beeja qab (Arinkaas haatan sirdoonka reer galbeedku way ku baraarugeen oo ninkii lagu khaldayao dadka waa la gudaa), waa tan labaade bay tiri gabadhu habeenkii markuu seexanayo bistoolad yar ayaa dabada salkeeda ugu jirta, oo la’aanteed hurdada ma lado. Arinkii ayaa amakaag iyo fajac nagu noqday, horena waxaan shaki uga qabnay arimo badan oo naga fashilmay sida ay ku dhaceen iyo cidda na fashilinaysa.
Habeenkii danbe ayaan ninkii si kadis ah guriga ugu dhacnay oo soo qabanay, dabadeedna intaan xirnay ayaan garaacnay si aan u waraysano. Horta arinkii ahaa inusan gudneyn way noo xaqiiqoowday oo markaan dharkii ka saarnay ayaan aragnay inuusan ninku gudnayn. Garaacii kadibna wuxuu noo sheegay in hooyadii ay Yuhuud tahay, aabihiina uu Urduni yahay, uuna u shaqeeyo sirdoonka Yuhuudda, ayna yihiin rag farabadan oo ku dhex qarsoon mujaahidiiinta dhalanteed iyo dhaandabagaalle.
Halkiii ayaan ku khaarijinay ayuu yiri ninkii, dabadeedna intayadii howshaas fulisay waan soo baxsanay, waayo haddii nala ogaado annagaa nala khaarijinayaa. Waana taas midda igu kalliftay inaan caruurtayda iyo xaaskeyga ula soo cararo dhanka xuduuda Suuuriya, haatana aan u go’aansaday inaan la soo baxo jamaacada tabliiqa( Si uu u raadtiro wixii uu hore ugu dhex jiray)..
Haddaba akhristoow dhacdadan iyo tii horeba waxaa ka dhalanaya inaan isweydiino : Imisa TOM ayaa muslimiinta ku dhex nool oo dhalanteedka iyo dhaanka dabagaalle jilaya ? Waase goobahee meelaha ay suuragalka tahay in ay joogaan?…
Jawaabteeda waxaan u daayay dadka iga cilmiga iyo caqliga badan.. waxaan jeclaan lahaa in sheekadan dhalanteed iyo dhaan dabagaalle, raggii qalindaarka ku fiicnaa u ban baxaan ooo halkaa ka sii wadaan.
W/Q Sh Cabdirisaaq Sugulle
Halgan.net