Dowlada Kuwait oo Jinsiyadii kala laabatay Sheekh Nabiil Cawad (Daawo)
August 12, 2014 - Written by EditorKuwait:-Waxaa galabta ilaa caawa ay Wakaalada wararka ee Caalamka ay aad u qaadaa dhigayaan warmurtiyeed ka soo baxay dowlada Kuwait kaas oo lagu shaaciyey in jinsiyada dalka Kuwait laga qaaday wadaado dhowr ah kuwaas la sheegay in uu ku jiro Daaciga Macruufka ah ee Sheekh Nabiil Cawad .
Warbaahinta dalka Kuwait gaar ahaan waregeysyada (“السياسة” و”القبس) ayaa waxaa ay bartooda twiterka ku shaaciyeen in jinsiyadii dalka kuwait lagala laabtay Sheekh Nabiil Cawad ka dib markii ay dowlada ku tuhuntay in uu taageero kooxo lid ku ah amaanka dalka Kuwait.
Sheekh Nabiil Cawad ayaa waxaa uu aad uga hadlay xasuuqada Yahuudu ku heyso shacabka Falastiin taas oo ay aad u dhibsadeen madaxda dalka Kuwait iyo wadamada reer galbeedka ah .
Hoos ka Daawo Sheekh Nabiil Cawad.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net