Dowladda Puntland oo Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wafti uu Hogaaminayo ku soo dhaweeyey Garowe.[Masawiro/Cod)

August 10, 2014 - Written by Editor

DSC_01291Garoowe:-Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasumada Dowladda Puntland si weyn loogu soo dhaweeyay Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo Sanadihii u danbeeyay ku sugnaa dhulka Maamulka la magac baxay Soomaaliland. Soo dhaweynta loo sameeyay Waftiga ayaa waxaa ka qayb qaatay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdi xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay,Wasiiro, Xildhibaano,Haween Dhalinyaro iyo qaar kamid ah bulshada ku nool Magaalada Garoowe kuwaasi oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade.

Intaas kadib ayaa waxaa loo soo gudbiyay aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay Imaanshaha Puntland ee Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade oo ka soo jeeda Deegaanada Puntland.

‘’Waan ku faraxsanahay in gurigaagi hooyo,deegaankaagi dhabta ahaa,hoygaagi runta ahaa inaad noogu timaato marti cid ugama ihid gurigaagi rasmiga ahaa baa ku yaala ehelkaagi baa jooga waan kugu soo dhaweynaynaa’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas. ”Axmed Waa oday nagu soo biiray taladiisa aqoontiisa khibradiisa siyaasadeed inta waxay u tahay wanaag Puntland waxaan rajaynayaa wada shaqayn fiican‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Siyaasi Axmed Cabdi Xaasbdade oo isna dhankiisa lahadlay Warfidyeenka ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan dib ugu soo laabashadiisa Puntland,isagoona tilmaamay in uu ka mid ahaa waxgaradkii gacanta weyn ka gaystay Aasaska iyo Jiritaanka Puntland.

‘’Haatan waxaan u soo laabtay inaan dib wax uga dhiso Puntland waxana idiinku balan qaadayaa in aan ka qayb galayo arinta imaan shahana madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday waana ka aqbalay‘’Ayuu yiri Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade.

no images were found

Hoos ka Dhageyso Wasiirkii hore ee wasaarada arrimaha gudaha Puntland Axmed Cabdi Xaabsade Madaxweyne Gaas iyo Cabdixakiim Camey

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/kro3ax9aib/Xaabsade.mp3]

Ama Halkan Mp3

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
<

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online