Golaha gabdhaha ka baxay Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo qado sharaf u sameeyey wefdigii Machadka Galdogob.[Masawiro]
August 9, 2014 - Written by EditorGaldogob:-Culimada waawyn ee reer Buuhoodle ayaa kulan soo dhaweyn iyo talo bixin ah la qaatay dhalinyaradii wefdiga ahayd ee ka socotey Machadka Imaamul Bukhaari Galdogob, iyo gudoomiyaha dallada ardayda ka baxday Macaahidda shareecada ee dalka Soomaaliya Dr. Cabdi raxmaan Xassan diike Yusuf. Kulankan oo ka dhacay beeraha Waqooyi ee magaaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn ayaa ahaa qado sharaf ay u sameeyeey culimada iyo wafdigaba golaha gabdhaha ka qalinjebiyey Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo ay ugu horayeen.
⦁ Xamdi cabdirisaaq x/xasan (gudoomiyaha golaha gabdhaha ka baxay machadka alfurqaan buhodle).
⦁ Nadiira x/cabdi muuse nuur.
⦁ Zamxam maxmuud buraale.
Iyo dhamaanba golaha gabdhaha ka baxay Machadka Al-furqaan Buuhoodle, Culimada ka soo qayb gashay kulankaan ayaa waxaa ka mid ahaa:-
⦁ Sh.cabdicasiis ismaaciil garaad soofe Gudoomiyaha guud ee dacwada gobolka cayn.
⦁ Sh. Mubaarik sh, xuseen sugulle Madaxa maktabka daacwaada buuhoodle.
⦁ Sh. Cabdirashiid x/samatar culujoog Madaxa maktabka xidhiidhka bulshada.
⦁ Sh. Cabdi casiis Cali Cawil Xoghayaha xafiiska dacwada gobolka cayn.
⦁ Sh. Cabdishaafi Axmed Cali Maamulaha jaamacadda bariga Africa ee Buuhoodle.
⦁ Sh.Axmed sh. Cumar xasan Madaxa xafiiska imtixaanaaadka ee jaamacadda EAU Buuhodle.
⦁ Sh. Axmed Maxamed Samatar Maamule ku xigeenka machadka alfurqaan Buuhoodle.
⦁ Sh. Cabdilaahi Cabdisamad Cali Bare jaamacdda EAU iyo machadka alfurqaan Buuhoodle.
⦁ Sh.shaafici maxamed abokor (gudoomiyaha golaha ardayda ka baxday machadka alfurqaan buhodle).
Iyo xubo kale oo badan oo ka mid ahaa ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan Buuhodle oo subaxnimadii dalxiis iyo dhul barid u sameeyey wefdiga Ardayda ka baxday machadka imamul bukhaari galdogob, iyo gudoomiyaha dalladda ardayda ka baxday Macaahidda shareecada ee soomaaliya, oo iyana kala ahaa:-
⦁ Dr/cabdiraxmaan xasandiike yuusuf (gudoomiyaha dalladda ardayda ka baxday macaahiida shareecada ee soomaaliya.
⦁ Bishaar axmed cali (ardayda ka baxday machadka imaamulbukhaari galdogob).
⦁ Jaamac maxamuud xaashi (ardayda ka baxday machadka imaamulbukhaari galdogob).
⦁ Cabdilaahi c/risaaq dhamuuke (ardayda ka baxday machadka imaamulbukhaari galdogob).
Kulankan oo qaatay mudo saacado ah ayaa qadada kadib culimada gobolka cayn waxay talo soo jeedin sameeyeen dhamaan dhalinyaradii ka soo qaybgashay kulanka iyaga oo si gaarana u soo dhaweeyey wefdiga reer Galdogob iyo gudoomiyaha dalladda ardayda ka baxday macaahidda soomaaliya.
Dhinaca kale wefdiga ayaa ka mahadnaqay soo dhaweynta culumadana ku bogaadiyey waqtiga ay soo hureen iyo sidda fiican ee ay usoo dhaweeyeen iyagoona sheegay inay qadan doonaan dhamaan talooyinka ay u soo jeediyeen culimadu kana faaiidaysandoonaan khibradda taariikhda dacwda ee ay ka soo sheekeeyeen. Si kastaba ha ahaatee wefdigan ayaa socdaal ku soo galaabixiyey subaxnimadii xarumo muhim ah oo ku yaalla magaaalada buuhoodle oo aay ka mid ahayeen:-
⦁ Garoonka diyaaradaha ee (Ismaaciil mire international airport).
⦁ Ceelasha waaweyn ee riigaga ah ee xooluhu ka cabaan.
⦁ Cusbataaalka weyn ee bariga buuhoodle.
⦁ Jaamacdda bariga afrika faraceeda buuhoodle.
⦁ Xarumaha kala duwan ee waxbarashada.
Socdaalka oo kusoo gabagaboobey beeraha dalxiiska ee balliga Buuhoodle oo ay ku diyaar sanayd qado sharafta loo sameeyey wafiga.
no images were found
Halgan.net