Guddoomiyaha Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo maanta la kulmay ardayda dugsiyada sare ee Nairobi.

August 14, 2014 - Written by Editor

unnamed1Nairobi:-Sh Dr. Bashiir Axmed Salaad, oo maalmahan safar dacwo ku joogay magaalada Nairobi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah ardada dugsiyada sare ka dhigata Nairobi. Kulanka, ayaa waxaa soo agaasimay sugsiga sare ee lagu magacaabo Prime, waxaana soo xaadiray ardo badan, kuwaasoo daneynayey kulanka sheekha, iyadoo guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, uu ardada u jeediyey kalmad ay aad ula dhaceen.

Sheekha, ayaa ardada u sheegay muhiimadda ay dhallinyaranimadu leedahay iyo sidaa loogu baahan yahay in ay uga faa’iideystaan, isagoona tusaalayaal u soo qaatay dhallinyaro badan oo ku dayasho mudan, kuwaasoo qur’aanka kariimka ah illaahay uga sheekeeyey. In aan si xun looga faa’iideysanin dhallinyaranimada ayaa sheekhu kala dardaarmay ardada, isagoona ugu baaqay inay ku dadaalaan waxbarashada.

Ugu dambeyntii, sheekh Bashiir, ayaa maanta ka duulay Nairobi, isagoo ku sii jeeda magaalada London, halkaasoo uu uga qeyb galayo mu’tamar islaami ah oo looga hadlayo qabyaaladda.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online