Gudoomiyaha Somsat tv ee badhtamaha wadanka Ingiriiska oo la magacaabay
August 28, 2014 - Written by EditorLondon:-Shir iridaha u xidhan yahay oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin iyo madax sare oo ka tirsan Somsattv International ayaa lagu gorfeeyey waxqabadka iyo sare u qaadidda tayadda iyo barnaamijyadda tvga, haday noqon lahayd kuwa ku wajihan qaaraddaha kala duwan ee ay ku nool yihiin qurbo joogta soomaaliyeed.
Shirkan waxaa lagu falanqeeyey barnaamijyo tayo leh in lagu soo kordhiyo barnaamijyadda tvga kuwaas oo waxtar iyo waku ool u noqon doona umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Waxa shirkaas lagu magcaabay Gudoomiyaha Somsattv International ee gobolka Midlanska ama badhtamaha waddanka Ingiriiska Mudane Maxammed Ibraahim Cawed Abuuhureyra.
Waxay dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee tvga ugu duceeyeen Mudane Maxammed Ibraahim Abuuhureyra in ilaahay xilka loo magcaabay u fududeeyo kana dhigo mid waxtarka barnaamijyadda tvga ee qaaradda yurub kor u qaadda.
Waxa xafladdan hadalo qiimo badan ka jeediyay milkiilaha Somsattv International Mudane Maxamed A Alihaybe oo carabka ku dhuftay in mediahu uu yahay masaar labo af leh lana doonayo in loo adeegsado nabadaynta iyo iskaashiga umadda soomaaliyeed meel walba oo ay joogto. Wuxuu Mudane Maxamed tilmaamay in qarnigan uu yahay qarnigii saxaafadda hufan loona baahan yahay in diiradda la saaro danta umadda islaamka iyadoo laga gudbayo arimaha yar yar ee khilaafku ka taagan yahay.
Xafiiska Saxaafadda Somsattv
Birmingham, United Kingdom
press.office@somsattv.com