Hay,adda SUNNA oo siminaar u soo xirtay 50 Macalin.[Masawiro]

August 4, 2014 - Written by Editor

IMG_0014Jigjiga:-Hay,ada SUNNA ee arimaha tacliinta iyo dacwada ayaa maanta waxay siminaar u soo xidhay 5o macalin oo wax ka dhiga dugsiyada qu,aanka ee magaalada Jigjiga waxaana xaflada lagu qabtay Hotel Xamad. Siminaarkan ayaa waxaa ka faa,idaystay in ka badan 50 macalin oo wax ka dhiga dugsiyada quraanka ee magaalada jigjiga waxaana daraasada dowradan bixiyay al-ustaad Fu,ad Garaad Bashiir Garaad Dool oo ka yimid dalka ingiriiska iyo Cumer Cali Cabdulahi oo ka mid ah culimada magaalada Jigjiga.

Tababarkan loo qabtay macalimiinta dhiga quraanka ayay ahayd ujeedadiisu in kor loo qaado tayada macalinka in la baro macalinka usluubka wax barista , maamulida laba dhinac waa waalidka iyo ardaygee iyo guud ahaanba hormarinta habka barista quraanka oo si casri ah ama aan taqliidi ahayn loo baro si ay ardaydu u xifdiyaan quraanka kariimka ah isla markaana ay u bartaan qorista iyo higaada iyo tajwiidkaba.

Xidhitaankii sabinaarkan ayaa waxa ka soo qayb galay golaha sare arimaha islaamka ee dowlada deegaanka somalida itoobiya oo uu u matalayay madaxa gobolka faafan(jigjiga) Mudane Xasan Maxamed Daahir hadala kooban oo uu ka soo jeediyay masuulkan ka socday golaha sare arimaha islaamka ayaa uu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu manta ka soo qayb galo tababar loo qabanayo xufaadi kitaabka alle oo aad moodid in la hilmaamay ama an la dhisin aqoontooda wuxuuna sheegay in kamajlis ahaan hada ka dib dardar galin doonaan xoojina doonaan macalimiinta quraanka.

Dhanka kale Gudoomiyaha hay,ada SUNNA Mudane Maxamed Xasan (Burcaawi) ayaa yidhi isagoo cabiraya dareenkiisa maanta lama soo koobi karo farxadayda waayo waxaan hortaaganahay 53 ka mid ah dadka uu ilaah ku manaystay in ay xanbaaraan quraankiisa waxaana ku faraxsanahay in uu ilaah manta noo suura galiyay in aan ku kulanay buqcadan waa mid lagu farxo waxaana balan qaadayna in aan dowrooyinka noocan oo kala ah sii wadi doono oo aana marnaba ka caajisi doonin-

Waa markii ugu horeysay ee inta la ogyahay tababar noocan oo kala ah loo qabto macalimiinta quraanka ee magaalada jigjiga waxaan Hay,ada SUNNA rajeynaysaa in dowrooyinka noocaan oo kale ah ay joogteyso hadii alle idmo.

no images were found

Hay,ada SUNNA
Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online