Hay’adda UNOPS iyo Shirkada CCECC ee dhisaysa Runwayga Garoonka Diyaaradaha Boosaso oo kala saxiixday Heshiis.(Masawiro)

August 5, 2014 - Written by Editor

DSC_5315Garoowe:-Waxaa maanta(5-8-2014)Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Heshiis kama danbys ah ku kala saxiixday Masuuliyiinta Hay’adda UNOPS oo ah Hay’adda Mashaaraciida iyo Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Shirkada CCECC  ee qaadatay Qandaraaska dhismaha dhabada diyaaradahu ka haadaan ee Magaaalada Boosaaso.

Xaflad Kooban oo ka dhacday Xafiiska madaxweynaha Dawladda Puntland ee xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen Hashiiskan waxana Goob joog ahaa Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Ku xigeenkisa Cabdixakiin Cabdulaahi Camay,Wasiiro iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Labada Dhinac ayaa waxaa Hashiiska ukala Saxiixay Mr Li oo ah Masuulka ugu sareeya Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC) iyo Eng.Bernardo Odhuno oo ka socday Hay’adda UNOPS oo madax ka ah Hirgalinta Mashruuca.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda iyo Shacabka Puntland ay farxad weyn u tahay Maanta in la saxiixo hashiiski kama dabaysta ah ee lagu dhisayo Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

‘’Umadda reer Puntland waxaan ugu bishaarayna in sanadkaan sanadkiisa ay heli doonaan Garoon diyaaradeed oo caalami ah oo diyaaraduhu si fiican uga dagaan,sidookale waxaan rajaynaya in garoomada kale ee Puntland iyana sida ugu dakhsiyaha badan u bilaabanayan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

‘’Bilowga horumarka Puntland weeye,waxaa naga go,an anaga in dadaal kasta aanu u samayno sid dadkaani ay u helaan Tasiilaad iyo imkaaniyad ay ku ganacsadaan,howl ku qabsadan wadankana u keenaan maalgalin u fududeeya horumarka ‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

Shirkada Ku Guulaysatay Qandaraaska lagu dhisayo Dhabaha diyaaraduhu ka haadan ee Boosaaso CCECC ayaa dhawaan si rasmi ah ubilaabaysa howsha,waxana ay hada dalka Jabuuti ka soo raratay qalabkii ay ku dhisi lahayd Garoonka.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online