Jaamacadda Bariga Afrika oo hogaan cusub loo doortay[Masawiro]

August 12, 2014 - Written by Editor

IMG_5118Garoowe:-Waxaa saakay kulan lagu qabtay Jaamacadda bariga Afrika faraceeda gobolka Nugaal ka soo qayb galeen dhamaan golayaasha Jaamacadda Bariga Afrika sidda golaha boorka, golaha fulinta, golaha shuurada.

Kulanka ka dib ayaa waxaa shir saxaafadeed lagu qabtay xarunta Jaamacada bariga afrika faraceeda gobolka Nugaal kaas oo looga hadlay arrima badan oo khuseeya Jaamacadda iyo Maamulka cusub ee loo sameeyay waxaana halkaas ugu horayntiiba kalimad wacdi iyo dardaaran  ah soo jeedshay Sh.Daahir Aw-Cabdi waxaana sheekhu ku dheeraaday sidii Sooomaliya oo dal iyo dibad dhib ku haysato laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa waxaana sheekhu allah uga baryay maamulkii hore iyo maamulka cusub  labadaba xaqa waafajiyo.

Waxaa isna goobta kahadlay Sh.Yuusuf C/casiiss gudomiyaha golaha boorka Jaamacada bariga afrika waxaana gudoomiyuhu ku baaqay in la joogteeyo kulamada noocaan oo kala ah si umada looga dhaweeyo  horumarkeeda waxaana uu u mahadceliyay dhamaan kazoo qayb galayaasha shirkaan waxaana uu xusay in maantay uu gabogabo yahay kulamadii is daba jooga ahaa ee socday 8/8/2014 ilaa 11/08/2014.

Waxaana ilaah mahadiis ah in uu si nabada ku soo dhamaaday waxaa iyana goobta ka hadlay gudoomiyihii hore ee jaamacadda Dr Prf C/rizaaq Hiirad iyo ku xigeenkiisii Sh.Maxamed Mucalim Axmed waxaana ay amaaneen maamulkii iyo macalimiintii lasoo shaqeeyay waxaana ay cadeeyeen in jaamacadu hadda marayso meel wanaagsan wixii dhiman na ay aaminsan yihiin maamulka cusub in ay karti u leeyihiin in ay gaarsiiyaan meeshaas iyo meel kasii wanaagsan.

Ugudanbayntii waxaa isna goobta kahadlay Sh.Maxamed Maxamuud Ciise gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda isla markaana ku hadlayay afkiisa iyo kan gudoomiyaha cusub Aadan Sheekh doon waxaana uu balan qaaday in ay wixii awodooda ah ay qaban doonaan isagoo codsaday wada shaqayn.

Dhawaan baan idiin soo gudbin doonaa war-saxaafadeedkii Shirkii Golayaasha Sare ee Jaamacadda Bariga Afrika

no images were found

Nuur Jaamac Aadam
Xafiska Warbaahinta
Mu,asasada Al-minhaaj

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online