Kulan ay yeesheen ardayda ka baxday Machadka Imaamul-bukhaari ee magaalada Galdogob.[Masawiro]
August 23, 2014 - Written by EditorGaldogob:-Kulan balaaran ayaa wuxuu ka dhacay Machadka Imaamul-Bukhaari ee magaalada Galdogob, kulankaasoo ay soo qaban qaabiyeen ardayda ka baxday machadka ayaa ardaydii mataleysey ardayda ka baxdey Machadka Imamul-Bukhaari Galdogob ee ka qayb galay Shir-waynihii ka dhacay intii udhaxeysay 3-5/8/2014 magaalada Laascaanood oo ay qabsadeen ardayda ka baxday macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya, kuna samaysteen Dalladda midaysa, ayaa waxey uga warbixiyeen ardadii ka baxdey machadka oo aan goob joogga ka ahayn shirkaas.
Kulankaas waxaa kasoo qeyb galay Maamulka macadka oo uu ugu horreeyo maamulaha machadka. Sheekh Maxamuud Cabdisahal xaaji xirsi iyo ku xigeenkiisa Sheekh Sadiiq Maxamed Aadan. Waxaa iyana kasoo qayb galay kulanka qaar kamida Macaliminta machadka sida Sh Cabdiwali Sh Nuux Aw-muuse, Sh Nuur Daahir Cabdillahi, Sh Maxamed xusseen Aw-Axmed iyo Sh Cabdisalaam Maclin Maxamed Muuse.
Sidoo kale waxey ka warbixiyeen socdaalkii ay ku tageen Machadka Alfurqaan ee magaalada Buuhoodle iyo sidii diirranayd oo loogu soo dhaweeyey magaala madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle .
Ayagoo dhanka kale ugu mahadceliyey guud ahaan reer Buuhoodle gaar ahaan Maamulaha Machadka Al-furqaan Buuhoodle iyo Jamacadda bariga afrika ee halkaas Sheekh Cabdi shaafi Axmed Cali iyo Gudoomiye ku xigeenka machadka Sheekh Axmed Samater Iyo ardayda ka baxday machadka Al-furqaan oo ay ugu horeeyaan maamulkooda.
Shaafici Maxamed Abuukar(gudoomiyaha wiilasha Machadka ka qalin-jabiyay). Xamdi Cabdi risaaq (gudoomisada hablaha dhameeyey Machadka ) iyo guud ahaan ardada machadka ee magacyadooda aan lagusoo koobi karin halkaan.
Sidoo kale waxey ardadu ku ballameen maalimahaan soo socda hadii Alle idmo kulan looga wada hadlayo sidii loo cusboonaysiin lahaa mamulka ardada kabaxdey machadka iyo waliba howlaha u yaal oo ay ugu horeyso sidii loola Shaqeyn lahaa Dallada ardayda ka baxday macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya iyo waxa uga aaddan ka macad ahaan.
no images were found
Halgan.net