Kulankii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ee Khamiislaha ahaa [WAR-SAXAAFADEED]

August 14, 2014 - Written by Editor

IMG_6537Garoowe:-Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 bisha ogoosto 2014 waxaa xarunta  Madax tooyadda Dawladda  Puntland  ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland  shirkaas oo Khamiis’le ah.Iyadoo  dood dheer iyo falanqeyn  laga yeeshay xaaladda dalka guud ahaan ,  ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran.

1-Amniga .
Waxaa warbixin guud laga dhagaystay laamaha amniga dalka oo ay ugu horrayso wasaarrada amniga dawladda Puntland, waxayna si faah-faahsan usoo bandhigeen xaaladda guud ee amniga Puntland iyo xaaladda nabad gelyada wadooyinka Puntland oo uu si qotta dheer uga warbixiyay wasiirka amniga Puntland.

– Sidoo kale waxay wasaaradda amnigu usoo jeedisay golaha wasiirada in kor loo qaado ciidanka Ammaanka waddooyinka Puntland iyo haad-bixi-yayaasha  ama (Traffico) , oo ay sheegeen inay yihiin xirfadlay gaar ah iyaga iyo cabir-qaadayaasha waddooyinka.

2- Degmada Saaxo Ee Gobolka Mudug.

Waxay golaha xukuumadda Dawladda Puntland maanta si buuxda u ansixiyeen degmada “Saaxo” oo ka mid noqotay degmooyinka gobolka mudug, isla markaana ah degmadii shanaad ee gobolka mudug , waxayna 70-km dhanka koonfur kaga beegantahay caasimadda gobolka mudug ee Gaalkacyo, laga bilaabo 14/08/2014 deegaanka Saaxo iyo dadka ku nool, waxay si buuxda uga mid yihiin “dhul iyo dadba”  deegaamada ay ka taliso Dawladda Puntland.

3- Siyaasadda Deegaanka Ee Dawladda Puntland.

Waxaa maanta golaha xukuumadda dawladda la hor keenay, siyaasadda deegaanka ee Dawladda Puntland, waxaa halkaa lagu soo bandhigay faa’iidada siyaasaddaas.
Siyaasaddaas oo ku salaysan , hannaanka isku tashiga oo ay waddo Dawladda Puntland, waana siyaasaddii koowaad oo ka hadlaysa arrimaha deegaanka ee loo sameeyo Soomaaliya intii ay jirtay guud ahaan.

4- Kastamka Isku-xira Dawladda Puntland Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxay Dawladda Puntland go’aansatay kor u qaadidda suuqyada ganacsiga Puntland, taasoo muhiim u ah suuq geynta xoolaha nool , kalluumaysiga, iyo iibsiga wax soo saarka iyo badeecadaha ay soo dejiyaan ganacsatada Puntland. Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia  waxay hore uga wada hadleen kor u qaadidda ganacsiga labada dhinac iyo furidda kastam cusub oo u dhexeeya labada dawladood.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland isagoo ka anba-qaadaya arrimahaas ganacsi , wuxuu u magacaabay guddi ka kooban .

1- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland.

2- Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warashada Dawladda Puntland.

3. Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

4. Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Gaadiidka Dawladda Puntland.

5. Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Iyo Xiriirka Gobolada Dawladda Puntland.

6. Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Dawladda Puntland.

7. Wasaaradda Warfaafinta, Is-gaarsiinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dawladda Puntland.

5- War-sidaha Dawladda Puntland.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay si buuxda u ansixiyeen warside cusub oo ay yeelanayso Dawladda Puntland, warsidahaas oo magaciisa la yiraahdo 1-da Agoosto, wuxuuna ahaan doonaa todobaadle ku hadla afka Dawladda Puntland.

6- Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay ka doodeen Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka lagu gado suuqyada madow ee Puntland, waxaana loo xil saaray howshaas wasaaradda amniga Puntland in ay si buuxda usoo faah-faahiso uguna soo celiso golaha.

War-bixino.
A- Waxaa warbixin laga dhagaystay guddiga kasoo talo bixinta taraha gaadiidka dekedda Bosaso, isla markaana waxaa guddiga loo xil saaray in howshaas ay talo soo  jeedintoodii ku meel mariyaan.

B-Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaystay guddiga shaqo u qeexidda wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan , iyagoo ka waramay howshu meesha ay u marayso iyo caqabadaha ka hor yimid..

Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Caddaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyadda , warbixinahaas oo ku saabsan sida ay  u socdaan howlihii ay wadeen ee ku salaysnaa (reform’ka) ama dib u habaynta  ariimaha Caddaaladda, Amniga, Dhaqaalaha  iyo shaqaalaha guud ee dalka .

Af-hayeenka Madaxtooyadda Dawladda Puntland
C/lahi Max’ed Jamac ( Quraan jecel )
Email. spofgovpl@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online