Machadka Al-Faaruuq ee Gaalkacyo oo Sanad dugsiyeed cusub uu u bilowday [Masawiro]

August 14, 2014 - Written by Editor

Logada Macadka Al-FaaruuqGaalkacyo:-Ka dib fasixii Mudada Xagaaga ah ayaa Machadka Al-Faaruuq ee Daraasaatka Islaamka iyo Luqada Carabiga oo hoostaga Raabidada Macaahida Sharciga ah ee Soomaaliyana kuna yaala Magaalada Gaalkacyo waxaa uu isbuucaan dib u bilaabay Hawlihii Waxbarasho ee Sanad Dugsiyeedka 2014-2015 waxaana Dhamaan Ardaydii Fasalada kala duwan ee Machadka ay haatan si toos ah u qaadanayaan Xiisadaha kala duwan ee Isbuuca.

Furitaan Machadka ee Sanad Dugsiyeedkaan ayaa waxaa ka hadlay Maamulaha Machadka Sh. Cilmi Yusuf Axmed waxaana uu ardayda kusoo dhaweeyay Sanad Dugsiyeedkaan bilowday isaga oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in ilaahay uu dib isugusoo celiyay kadib fasixii la galay.

Sh. Ahmed Dheeli oo kamid ah  Culimada ugu caansan Gobolka Mudug oo isaga kasoo qayb galay Furitaanka Machadka ee Sanad Dugsiyeedka ayaa waxaa uu Ardayda usoo jeediyay dardaarano kala duwan oo ku aadan Waxbarashada waxaana ugu Muhiim sanaa :-

1.In ay Taqwo layimaadaan ama Alle ka cabsi laga helo.

2.Inay ay aqoonta ku dadaalaan si ay Naftooda u anfacaan Bulshadoodana wax u taraan.

3.Inay ku sifoobaan Tilmaamaha Ardayda Guulaysta oo ah (ku dadaalida Daacada Alle , Dadaal iyo Han sare).

4.Inay yeeshaan Han sare oo ay ku fakaraan sidii ay Umada uga saari lahaayeen Dhibaatada haysata.

5.Inay ka fogaadaan Mushkiladaha Dhalinyarada in badan oo ka mid ah haysata , oo ay asal u tahay Macaasidu.

Machadka Al-Faaruuq waxaa la aasaasay 2006 waxaana uu ka kooban yahay Heerarka Dugsiga Dhexe iyo Sare waxaana lagu bartaa Shareecada Islaamka Manhajkiisuna waa Manhaj Carabi ah oo ay qaataan Macaahida hoos taga Jaamacadaha Sucuudiga ugu caansan sida Jaamacatu Imaam Sacuud iyo Jaamacatul Islaamiyaha , Macalimiinta ka hawlgalana waa heer Jaamacadeed Dhamaantood.

Machadka Sanad Dugsiyeedkaan waxaa lagusoo kordhiyay Qaybta Dadka waaweyn oo Xiliga Galabtii la dhigto , iyadoo Dugsiga Dhexana lagusoo daray Maadamada Culuumta si loosoo saaro Dhakhaatiir Qalbiga iyo Jirkabada Dadka ka daawaysa.

Machadka ayaa waxaa uu kaalin wayn kaga jiraan dardar galinta Dacwada Salafiga ah ee Gobolka Mudug isaga oo soo saaray Ducaad aan tiradooda lasoo koobi karin oo Dacwada Xagga Alle ka faafiyada Daafaha Gobolka , waxaana Xusid mudan in Ardaydii kabaxday Qaar kamida ay haatan ka hawl galaan Machadka oo ay Macalimiin ka yihiin kadib markii ay Jaamacadaha soo dhameeyeen.

Ardayda kabaxday Machadka oo ka kooban 7 lood ama Dufcadood ayaa waxaa ay leeyihiin Urur ama Munadamo kulmiso oo ay u dhiseen Maamul kala danbayn leh si ay ugu fududaato inay si nidaamsan Dacwada uga qayb qaataan.

no images were found

Cabdiraxmaan Bilaal Cabdiraxmaan Sanka
Gaalkacyo,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online