Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo Shahaadooyin gudoonsiiyey dafcadii 6aad ee ka qalin jebisay.[Masawiro]
August 9, 2014 - Written by EditorBuuhoodle:-Xaflad balaadhan oo si heer sare ah looso agaasimay oo ay ka soo qayb galeen bahda Waxbarashada, Waalidiin, Aqooyahano, Culimo awdiin, Isimo, ardayday kascotay gobolada kale ee dalka, gudoomiyaha daladda ardayda dhamasay Mac-hadyada Soomaaliya, Machadka Imaamul Bukhaari Galdogob, Jaamacadda bariga africa faraca Buuhoodle & dhamaanba qaybaha kale duwan ee bulsha waynta ku dhaqan magaalada Buuhoodle. Xafladan oo u jeedadeedu ahay shahaado gudoonsiinta ku dhawaad 50 arday oo dhamaystay waxbarshada Machadka sare ee Al-furqaan ee Magaalada Buuhoodle. Ugu horayn aayad qur’aanka kariimka aha ayaa halkaasi waxaa kasoo jeediyey cabdiweli axmed xasan oo ka mid ah ardayda qalin jabinasay.
Ka dibna Ardayda ayaa waxa ay goobta ku soo bandhigeen waxyaabihii ay barteen iyagoo goobta ka soo jeediyey khudbado aad u qiimo badan oo isugu jiray gabayo, muhiimadda ay leedahay waxbarashadu, kuwaas oo ay ku akhrinayeen luuqadaha carabiga, Ingriiska, & afkeena hooyo ee afsoomaaliga taas oo soo jiidatay dhamaanba kasoo qayb galayaashii xafladda. Maamule ku xigeenka mac-hadka sare ee al furqaan Sh.Axmed Maxamed Samater ayaa ka warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray mac-hadku Mac-hadka waxaa la asaasay sanad Dugsiyeed kii 2007-2008 waa dugsi sare hadafkii loo asaasay waxay ahayd in uu soo saaro dad shareecada xambaarsan oo gudbinaya oo isbedal ku samaynaya Bulshada ay ku dhex nool yihiin” sidaasi ayuu yiri maamule ku xigeen Sh. Axmed Maxamed Samater.
Isaga oo sii wata hadalkiisa shiikhu waxa uu intaa ku daray “Mac-hadku waxa uu leeyahay qayb hoose waxa kale oo uu leeyahay machadyo hoostaga oo uu Shahaadada siiyo oo ay ka mid yihiin mac-hadu Ummu Salama, Mac-hadu Al nuur , Mac-hadu Sunna, Mac-hadu Khadiija & Mac-hadu Al faaruuq, Mac-hadu waxaa uu ku xidhan yahay Jaamacadda Barriga Afrika oo iyadu shahaadada siisa mac-had yada sare ee shareecaaada” shiikha ayaa ku dheeraaday ka taariikhda uu mac-hadku soo maray.
Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa ahna Maamulaha Guud Ee Mac-hadka Al furqaan sh/cabdishaafi axmed cali oo isna xafladda ka hadlay ayaa waxa uu ardayda ugu horay ugu hambalyeeyay Jaamacada Barriga Afrika oo uu sheegay in ay uga fureen jaamacad gurigooda hooyo halka markii hore ay ardaydu jaamacad u aadi jireen gobolada fug fog ee dalka.
Sidoo kale waxa uu Dr ku kahadlay kulan Balaadhan Oo ay Isugu Yimaadeen dhamaanba mac-hadyada sare ee dalka soomaaliya kulan kaas oo ka dhacay magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ayaa waxaa lagu sameeyey dallad midaynasa dhamaanba ardayda ka qalin jabisay mac-hadyada Soomaaliya “Shirkaa waxaa marti galiyey Ururka ardayda ka qalin jabisay mac-hadka Alfurqan Ee Magaalada Laascaanood culayskaa wayn dartii waxaa u soo gurmatay Daladda guud ee mac-hdyada shareecada soomaaliya, si ay gacan u siiyaan gacan dhaqaale, gacan talo si fiican ayey arintaasi u dhacday culimo fara badan baa isugu timi ardayda waxaa lasiiyey tow jiih badan, dhinaca kalena waxaa loo daayey in ay iyagu tashadaan oo ay waxqabadkooda ka taliyaan waxaa kale oo ay ardaydaas lagala hadalay in ay feker ahaan noqdaan dad fikirkoodada uu sareeyo oo ummadooda wax u qabta, waxaa kale oo iyaduna kamid ahaa in ardayda afkaarta khaldan ee inxiraafka ah ee ku badatay soomaaliya ee ummad badan ku dhinteen in dhalinyarada lagala taliyo in ay iska ilaaliyaan oo kafogaadaan dhalinyarada afkaartaa khaladan qaadatay” ayuu yidhi Dr.Sh.Cabdishaafi Axmed Cali.
Markii ay dhamaatay khudbadii Dr ka ayaa ardaydu waxa ay shahaado sharafyo & abaal marino kala duwan Maamulaha Mac-hadka Alfurqaan Ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika ee Buuhoodle Dr Sh.Cabdi Shaafi axmed cali, maamule ku xegaanka machadka Alfurqaan shiikh axmed maxamed samater, Mac-hadka waxaa iyagana Mid Mid loogudoonsiiyeye dhamaanba macalimiinta.
Intaasi ka dib waxaa kulanka ka hadlay kasoo qay galayaashii xafladda oo dhamaantood sheegay in ay aad ugu farxsanyihiin in ay kasoo qayb galaan xafladda ayaa waxaa ka mid ahaa culimo awdiin, cuqaal, waxgarad, aqoonyahano, ganacsato & waalidiin, wefdigii machadka galdogob, iyo gudoomiyaha dalladda ardayda ka baxday macaahidda shareecada ee Soomaaliya. Ugu Dambaytiina Garaad C/risaaq Garaad Soofe ayaa xafladda soo xidhay waxa uuna khudbad oo goobta kasoo jeediyey bulshada ku booriyey in laga shaqeeyo wanaagga waxa uuna tilmaamay in meel la isga soo wada jeesada dhamaanta cid kasta oo kasoo horjeesata wanaaga. Waxaana ardayda si wada jir ah shahaadooyin u gudoonsiiyey Garaad cabdirisaaq Garaad soofe iyo Shiikh cabdishaafi Axmed Cali.
no images were found
Halgan.net