Machadka Al-furqaan Buuhoodle oo soo dhaweeyey wefdi ka socda Machadka Galdogob‏.[Masawiro]

August 5, 2014 - Written by Editor

DSC00700Laascaanood:-Ka dib shirweyne ka dhacay magaalada laascaanood oo ay isugu yimaadeen ardayda ka qalin jebisay 12 machad oo soomaaliya ku yaal  waxaa lagu dhisay dalad ay yeeshaan ardayda ka qalin jebisay Macaahidda shareecada ee Soomaaliya oo hoos taga raabidada macaahidda soomaaliya, uuna gudoomiye u noqday C/raxmaan Xasan Diike oo ka qalin jebiyey machadka ibnu xajar Boosaaso.

Dhinaca kale shirka laascaanood waxaa lagu walaaleeyey labo labo macaahidii ka soo qayb gashay shirka Laascaaanood, macaahidii la walaaleeyey waxaa ka mid ahaa Machadka Al-furqaan Buuhoodle iyo Imaamul bukhaari Galdogob. Haddaba walaalha reer Buuhoodle waxay martigelin siiyeen walalahood Galdogob iyada oo uu goobjoog ahaa Sh.Axmed Cabdisamad iyo Sh.Cabdishaafi Axmed Cali.

Dhamaan ardayda iyo qalinjebiyeyaasha Macahadka Al-furqaan waxay si diiran u soo dhaweeyeen walaalahood reer Galdogob iyaga oo 10 km kagala soo wareegey gaadhigii ay la socdeen kuna soo qaaday baska Jaamacadda Bariga Africa ee Buuhoodle, waxayna dejiyeen hotel cabdiguray plaza Buhoodle. Intaa ka dii waxaa kulaqn soodhaweyn iyo isbarasho ah loogu qabtay xarunta machadka umu salama, waxaa isguna soo gaadhey buuhoodle gudoomiyaha cusub ee dalladda ardayda ka qalinjebisay macaahidda shareecada ee soomaaliya mudane C/raxmaan Xassan Diike taasoo noqonaysa booqashadii ugu horeysey ee uu sameeyo tan iyo intii loo magacaabay xilka gudoomiye nimo ee shirkii laascaanood.

Dhalinyarada reer Galdogob ayaa kala ahaa:

1- Bishaar Axmed Cali Nuur.

2- Jaamac Maxamud Xoosh Maxamed.

3- Cabdilaahi Cabdirisaaq Axmed.

Wixii booqashadaas la xiriira waxaad kala socondoontaan wararka danbe.

no images were found

 

C/kariim C/llaahi
Lascanod,Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online