Machadka Iimaamu Shaafici ee Degmada Yagoori ee Gobolka Sool oo Arday Abaalmarino Siiyay.[Video/Masawiro]
August 4, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Munaasibadan ayaa waxa lagu qabatay Masaajidka wayn ee Degmada Yagoori ee Gobolka Sool waxaana loo qabtay arday Dhiganaysay Machadka-Iimaamu shaafici Oo qaar kood u Gudbaya Machadka-Alfurqaan ee Magaalada Laascaanood. Waxaa xafaladan ka qayab Galay Culimida Gobolka Sool oo Hogaaminyo Sh Maxamuud Xaliike Sh.Axmed Mohamed Saleebaan, Sh Maxamuud Salaad Sh Axmed shire. Macalin Aadan Sheekh Cabdinaasir Faraa’id-Ganacsade Cabdi Casiis Indhacase, oday Magan Xaaji Warsame.
Dhamaan Culimada iyo waxgaradka ayaa waxa ay si weyn oga hadleen sidii loo Horumarin lahaa Aqoonta Degmada Yagoori, iyo Guud ahaan Deegaanada Sool ,Sanaag Iyo Cayn Culimda iyo odayada , Aqoonyahanada ayaa waxa ay si wada Jira Oga shaqaynayaan siddii Deegaanka Gobolka Sool Looga dhigi lahaa Goob aqooneed dhankasta. Maamulka machadka ayaa halkaas ka sheegay in haatan arday ay hayaan Oo ah 85,arady halka kuwa malcaamada dhigtaana ay gaadhayaan 210,arday waxana ay ka codsadeen shacabka in Machadka Imaamu shaafici Looqodo Baraag ardaydu Biyo Kacabaan, waxaana halkaas ka sheegay Sh Maxamuud Salaad In dhismaha Masaajidku u baahanyahay in ladhiso.
Waxaana Aabaal marino lasiiyay Ardaydii gashay Kaalamaha Koobaad ilaa saddexaad waxaana si wayn u farxay waalidiintii halkaas joogtay oo siwayn allaah ugu mahad celiyay iyo Culimada sida wayn ugu dadaalaya kor u qaadida Diinta. Sheekh Maxamuud Xaliike ayaa bulshada ugu baaqay in laga qayb qaato Horumarka wax barashada waxana uu baaq u diray dadka Jecel Horumarka iyo in dadka wax labaro.
Machadka Iimaamu shaafici ayaa waxa uu dhisan yahay Mudo kooban waxaana uu haatan marayaa Meel aad u fiican iyadoo dadka degamada Yagoori ay soomareen marxalado kala duwan,Taas oo maanta marqaati u ah in yagoori ay Hormuud u noqtay Macaahida Degaanada Sool sanaag iyo Cayn oo lagadayday, Furitaanka Macaahida.
no images were found
Hoos Ka Daawo Machadka Iimaamu Shaafici ee Degmada Yagoori ee Gobolka Sool oo Arday Abaalmarino Siiyay
C/kariim C/llaahi
Lascanod,Somalia