Madaxwaynaha DGPL oo dib ugu soo laabtay caasimada Dowladda Puntland ee Garoowe [Masawiro].

August 14, 2014 - Written by Editor

IMG_6502Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo 9-8-2014-kii ka ambabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland oo maalimihii lasoo dhaafay hawlo shaqo ku joogey magaalada Boosaaso ee xarunta goolka Barri  ayaa Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe.

Soo dhaweynta Madaxwaynaha ayaa waxaa siweyn uga qayb qaatay Wasiiro,Xildhibaano,Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland,Waxgarad,Saraakil Ciidan iyo qaar kamid ah Bulshada rayidka ah ee ku nool Magaalo Madaxda dawlada Puntland ee Garoowe.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Mudadii uu ku sugnaa Magaalada Boosaaso waxa uu kulamo la’ qaatay Safiirka Dalka Soomaliya u fadhiya dawlada Imaaradka carabta  mudane. Mohamed Al-Othman iyo Masuuliyin ka socday Shirkada Dubai Port Wall (DP) , sidoo kale waxaa ku weheliyey kulankaas Ganacsato reer Dubai ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashi ka samaystaan Puntland.

Shirkadan Ganacsi ee Dubai Port Wall (DP)ayaa ah shirkad ka howlgasha 63-Wadan waxana ay si toos ah u maamushaa 54-Dekedood,imaanshahooda Puntland ayaa salka ku haysa  sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayen Dekeda Wey n ee Boosaaso,waxana loo balan sanyhay markii ay dib u soo laabtaan Masuuliyiinta shirkadaasi in ay Hashiis dhamastiran la’ saxiixdaan Dowladda Puntland.

Dhinaca kalena waxa uu Madaxwaynuhu kulamo kala duwan la qaatay Maamulka Gobolka Bari,Maamulka degmada Boosaaso,Waxgarad,Ganacsato,Hay’addaha amaanka ee Gobolka  iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Magaalada Boosaaso kulamadaasina waxa ay ku soo dhamaaden Guul .

Deeganka Qow oo katisarn Gobolka Bari ayuu madaxweyne Gaas ku tagay Booqasho rasmi ah waxana halkaasi uu kula kulmay Maamulka iyo Dadka deegaanka,dhawaana waxa halkaasi laga fulinaya Mahsruucyo Horumarineed  oo Dowladu ugu talagashay Deegaankaasi.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,
Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online