Madaxwaynaha DGPL oo ka qayb galay shirka xiriirinta Hay’addaha iyo Hirgalinta Cashuuraha oo ka dhacay Garoowe. [Masawiro]
August 10, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha DGPL Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasumadda Dowladda Puntland gaar ahaan Hoolka Jaamacada PSU kaga qayb galay Shirka Xiriirinta Hayaddaha iyo Hirgalinta Cashuuraha . Ka qaybgalka Shirkaan ayaa waxaa lagu martiqaaday 52,hay’addood oo Caalami ah International NGO kawaasi oo ka howlgala Gudaha Puntland,waxana soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Maaliyada iyo Qorshaynta ee Puntland.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer kajeediyay Madasha ayaa sheegay in Waajib tahay bixinta Cashuuraha isagoona ugu baaqay Hayaddaha dalka in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u hirgaliyaan in ay bixiyaan Cashuurta ku waajibtay. Majiro aduunka wadan aan cashuur labixin hadana dowladanimo ka shaqayso,bilowga iyo dhamaadka Dowladnimadu waa bixinta Cashuuraha Sidaasi waxaa yiri Mdaxwayne Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Haddii aan Cashuurta la bixin majirayo Nidaam dowliya,amnina majira dalkuna ma yeelanayo kala dambeyn,sidaa la adligeed waa in labixiyaa cashuurta ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale tilmaamay in Dowladda Waajib ay ku tahay Cashuurta ay dadka ka qaado in sicad ugu celiso Dalka iyo Dadkaba si horumar wanaagsan loo gaaro.
Hal suurtagal maahan mana yeelayno in qofka askariga ah ee Dowladda u shaqeeya ee Qaata 70-dolar waa la cashuuraya oo cashuur baa laga qaadaya laakiin nin u shaqeeya Hay’add oo qaadanaya 2000-dolar lama cashuurayo isku xaquuq bayna noqonayan mashaqaynayso haday horay idinku hirgashay hada iska ilaawa ayuu yiri Madaxwayne Gaas. In aad tiraahdaan qandaraaska aanu anagu bixino Cashuuri kuma waajibto lagaa akhrisan maayo,kuwa cadaanka ah ee wadanka jooga Cashuurta ay aniga ii diidan bay wadankooda siinayaan,halkaana dakhliga ka samaysay kama aadan samayna wadanka aad ka timid waa dhaqaale loogu talagalay Puntland iyo Soomaliya sidaasi waxa yiri Madaxwayne Gaas.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.