Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo ka qayb galay Kulan lagu taageerayay Go,aamadii ka soo baxay shirkii wadatashiga.[Masawiro+Cod]

August 20, 2014 - Written by Editor

IMG_7326Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka qayb galay Kulan lagu taageerayay Go,aamadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadarlka oo ka dhacay Garowe. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland gaar ahaa Xarunta Cilmi Baarista Puntland(PDRC) kaga qayb galay Kullan lagu taageerayay qodobadii ka soo baxay Shirkii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadaralka.

Kullanka ayaa waxaa iyana ka soo qayb galay Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulahi Camay,Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xasan Shire, Wasiiro, Isimo,waxgarad,,Culimo udiin , siyaasiyiin,Ururo ka socday Bulshada Rayidka ah iyo Msuuliyin kale. ‘’Mar walba waxaan niraahna Puntland waa Hooyada Fadaralka Soomaliya, waa Hooyada Dowladnimada Soomaliya ee hada jirta hadal layska leeyahay Maahan ee waa dhab Puntland baa horsed u ahayd,fikirkeeday ahayd,dadaalkeeday ahayd in Soomali isu timaado’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’runtii waxaanu ka shaqaynay in xiriirki u dhaxeeyay Puntland iyo fadaralka aanu wanaajino iyadoo dowladii naga horaysay ay xiriirka ujartay Dowladda Fadaralka ayaan anagu waxaan isku daynay in xiriirkaasi wanagsanado ‘’

‘’Sababtoo ah waxaan islahayn wax badan baa Puntland uga dhumi kara Dowladda fadaralka ahna uga dhumi kara in xiriirkaasi uusan wanagsanan oo xunyahay dhankayaga runtii wixii dadaal ah ee aanu samayn karno waanu samaynay inaanu soomalinimo ka shaqayno oo laysku yimaado lana wada shaqeeyo laakin puntland wax badan ayay tirsanaysaa ‘’

‘’25-sano oo dowladnimo la,aan ahi waa tan dhafooradaasi noo yeeshay ‘’Ayuu hadalka raaciyay Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kullankaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay.

‘’Markii la saxiixay maamulka Gobolada dhexe raga qaarkii waa ay hadleen waana goodiyeen Cabdi-qaybdiid wuxuu yiri Fad ama Hafadin waa lagu fadsiin marka Cabdi qaybdiid hadalka saa leeyahay waxaan isleeyahay warkaasi waxa uu ahaa Gardaro garab og’’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. ‘’Puntland iyadu cidna kuma xadgudbayso laakin waa ay xisaabtamaysa wax lawada leeyahayna cidna si gaar ah uma takrifalikarto,Dowladd baa lawada dhistay hashiis bulshaa lawada galay marka wixii la lahaa in cid gaar ah say doonto ugu takrifasho,siyaasad ahaan ,dhaqaale ahaan ,military ahaan ayay Puntland diidan tahay’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

Dhamaan Isimadii,Bulshadii,Siyaasiyiinti iyo Waxgaradkii ka soo qayb galay shirka ayaa waxa ay siwadajir ah u taageren qodobadii ka soo baxay Kullankii wadatashiga Dowladda Puntland iyo Xildhibanada Puntland ugu jira Fadarlka ee ka dhacay Garowe .

no images were found

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka jeediyey shirkii wadatashiga

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/0g3m9vjdg5/Gaas_14.mp3]

-Dhamaad-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online