Madaxweynaha DFS Xasan Sh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho.
August 12, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaa uuna madaxweynaha ka soo qayb galay shir madaxeeda dalalka Africa iyo Mareykanka oo ay ka soo qeyb galeen 54 dal.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho madax ka tirsan DFS.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey shirkii ay ka qeyb-galeen dalka Mareykanka wuxuuna sheegay in ay shirkaas wax weyn ka faa´ideen wuxuuna rajo weyn ka muujiyey heshiisyo kale duwan oo ay la soo saxiixatay DFS Madaxada dalka Mareykanka.
Madaxweynaha DFS Xasan ayaa waxaa uu sidoo kale maanta ku qaabilay Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde wasiirka ganacsiga iyo hormarinta dowladda Denmark Mogens Jensen oo isaga soo gaaray magaalada Muqdisho.
no images were found
A/Cawale
Halgan.net