Madaxweynaha dowladda Puntland oo qada sharaf u sameeyay Ugaaska Beesha Xassan Ugaas iyo Cuqaashii la socotay.[Masawirro]
August 19, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland qado sharaf ugu sameeyay Ugaaska Beesha Xasan Ugaas ee Degmada Boocame Ugaas Cabdulaahi Ciise ,Cuqaasha Beesha,Siyaasiyiinta Beesha,Saraakisha Ciidamada Beesha iyo Nin Garbood kale oo la soctay Ugaaska.
Kullanka Qado sharafta ah ayaa waxaa Madaxwayne Gaas ku wehliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdinuur Cilmi Maxamud(Biindhe), Xildhibaano iyo Saraakil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.
Qadada kadib ayaa kullan gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Beesha Xasan Ugaas ayaa Ugaaska Beesha Ugaas C/llaahi Ciise iyo Cuqaashi la socotay waxa ay sheegen in ujeedka Socdaalkooda Garoowe salka ku hayo soo ajiibida Shirka wada tashiga iyo Midnimada Umadda Puntland oo Madaxwayne Gaas dhawaan ugu baaqay Beelaha Dega Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn.
Iyagoona cadeeyen in ay kamid yihiin Rukumada ugu waaweyn ee Puntland,degmada Boocame ayayna ku tilmaamen in ay tahay Degmo Taariikhi ah una baahan in loo dhamastiro adeega Dowladda si degmadu ula jaanqaado Degmaayinka waaweyn ee Puntland.
Madaxwayne Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay Ugaaska iyo Cuqaashi la socotay in xukuumadiisu ay ka go,antahay Horumarinta guud ahaan Degmooyinka Puntland,waxana uu u balan qaaday wax qabad deg deg ah in lala gaarayo degmadaasi,sida Caafimadka,Waxbarashada iyo adeegyada kale ee ay u baahan tahay Degmadaasi.
no images were found
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.