Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Mr.Yuan Li. (Masawiro)

August 3, 2014 - Written by Editor

IMG_5912Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation(CCECC) Mr.Yuan Li. Kullan gaar ah oo ay wada qaaten Madaxwayne Gaas iyo Mr.Yuan Li ayay uga wada hadleen Dar dar galinta Dhismaha Dhabaha diyaaraduhu ka haaden ee Boosaaso oo ay shirkadaasi wado hirgalinteeda.

Mr.Yuan Li ayaa Madaxwayaha Dowladda Puntland u sheegay in xili dhow ay bilaabayaan howsha,isagoona balan qaaday in ay ka go,antahay sidii ay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso uga dhigi lahaayen Garoon caalami ah oo la jaanqaada Garoomada Diyaaradeed ee ku yaala Wadamada Caalamka .

Shirkada China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC) ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada Horumarinta Dalka iyo in ay mashaariic horumarineed ay ka fuliyaan Guud ahaan Puntland. Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhaweeyay shirkadaasi China Civil Engineering Construction Corporation (CCECC),sheegayna in ka dowlad ahaan soo dhawaynayaan si ay dalka iyo dadkaba wax ugu qabtaan,islamar ahaantaasna tibaaxay in siyaasada dowladda puntland tahay mid fur fura,soona dhawaynayaan cid kasta oo maalgashi kasamaynaysa Puntland.

no images were found

-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online