Madaxweyne Galeydh waxaan nagu soo duulay Ciidanka Maamulka S/land
August 29, 2014 - Written by EditorSaaxdheer :-Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo la hadlay idaacadda VOA-da ayaa u sheegay in ciidanka S/land ay shalay ku soo duuleen Deegaanka Saaxdheer shalay xili ay ka socotay xafladii lagu caleema saarayey Prof Cali Khaliif Galaydh iyo xubnihii maamulkiisa. Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in shacabka deegaanka SSC dhibaato iyo duulaan loogu hayo oo kaliya midnimada umada Soomaaliyeed iyo in ay xuquuqoodii ay raadsaaan arrinkaas oo dowladda federaalka Soomaaliya ee Muqdisho joogta ay ka indhaha ka laabatay.
Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa eedeyn kulul u soo jeediyey madaxda S/land oo uu sheegay in ay u diidan yihiin shacabka reer SSC in ay aayahooda ka tashadaan taas oo ay xuquuq u leeyihiin kalana siman yihiin umada Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu xusay in Aaya ka talinta shacabka SSC ay iyagu leeyihin cid ay u daba fariisanaayaan aysan jirin isagoo ugu baaqay maamulka S/land in ay ka waan toobaan colaada ay hurinayaan iyo dhibaatada ay ka wadaan deegaana SSC.
Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh waxaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wixii khilaaf ah oo u dhexeeya beelaha dega Gobollada Sool ,Sanaag iyo Cayn ay dhexdooda ka xalinayaan maamullada dhina yadda ka xigana ay si nabadgelyo iyo daris wanaag kula noolaanayaan.
Deegaanka Saaxdheer ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal ka dib markii ciidanka maamulka S/land ay ku soo duuleen deegaanka Saax-dheer oo 70 km dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, xili ay ka socotay xafladii lagu caleema saarayey Madaxweynaha cusub ee Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh mana ah markii ugu horaysay oo ciidamo ka tirsan maamulka S/land ay duulaan ku soo qaadan fariisamo ama deegano ay ku sugan yihiin masuuliyiinta maamulka Khaatumo.
M_M_Deeq
Halgan.net