Masjidka Al- huda Garowe oo laga dareemayo u diyaar garowga Xalaqaadka cilmiga shareecadda

August 6, 2014 - Written by Editor

masjidGaroowe:-Xalaqaadka barashada Cilmiga Shareecada Islaamka ayaa ahaa habkii ugu wanaag sanaa ee dalka Soomaliya looga baran jiray cilmiga waxaana ka mid ah meelaha sida aadka looga xasuusto Masaajid badan oo ku yaal gobollada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xalaqaadkaas cilmiga ah ayaa waxaa akhrin jiray culimada waaweyn ee Soomaaliya waxaan ka aflaxay arday fara badan oo ku howlan faafinta cilimigii ay ka barteen culimadooda.

Waxaa xusid mudan  in qaabka loo wadayo Xalaqaadka cilmiga oo la casriyeeyey ay soo bandhigeen culimo ka tirsan Jamaacadda Al-ictisaam Bilkitaab oo ku xeel dheer cilmiga shareecadda Islaamka iyagoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kulamo kale duwan ku qabtay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya waxaa ay soo bandhigeen Manhajka ay jamaacaddu u dejisay in ay ku socdaan Xalaqaadka cilmiga shareecadda lagu baranayo.

Mar Shabakadda wararka Halgan.net iyo Al-minhaaj ay wax ka wiidiiyeen wax sababay in dib loo soo celiyo Xalaqaadka cilmiga  ayaa Sheekh axmed cabdi samad oo ah gudoomiyaha golaha fulinta jamaacadda al ictisaam waxaa uu sheegay in la dareemay xooggaa hoos u dhac  ku yimid barashada cilmiga shareecadda Islaamka  sidaas darteed ay muhiim tahay in umadaan laga shaqeeyo sidii loo badbaadin lahaa mustaqbalka diimeed ee umadaan loogana badbaadin lahaa in da,yartu u gacan gasho fikirada qaloocan oo ay in xiraafaan .

Isku soo wada duuboo waxaa masjidka alhuda laga dareemayaa diyaar garowga loo gu jiro sidii loo diyaarin lahaa xerta iyo qaabgii hadda loogu bilaabi lahaa cilmiga sharcigaa waxaana ka mid ah culimadda diyaarka u ah in ay boqolaal xer ah u bilaabaan cilmiga Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo culimo kale.

Nuur Jaamac
Xafiiska Warbaahinta
 Alminhaaj Garowe

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online