Maxkamadda darajada1aad ee ciidamada DFS oo xukun kala duwan riday
August 20, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Maxkamadda darajada koowaad ciidamada DFS ayaa maanta xukunno isugu jira dil iyo xabsi daa’in ku riday dhalinyaro lagu soo Eedeeyay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
7 ka tirsan kooxda al Shabaab ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay horay u dileen askari ka tirsanaa ciidanka DFS oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS Col.Cabdullaahi Maxamed Muuse ayaa ku dhowaaqay xukunka lagu riday 13-eedeysane oo Maxkamadda la horkeenay waxaana uu sheegay in 7 ka mid ah dil lagu xukumay halka 6 kale lagu xukumay xabsi daa’in .
Ma aha markii u horaysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS ay xukun dil iyo xabsi dheer ay ku xukunto dhalinyaro lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab kuwaas oo dilal kala duwan ka geystay magaalada Muqdisho.
Hoos ka Daawo Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee DFS Col.Cabdullaahi Maxamed Muuse
A/Cawale
Halgan.net