Shirweynihii 3aad ee Mu’assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta oo maanta ka furmay Garowe.[Masawiro]

August 13, 2014 - Written by Editor

IMG_5174Garoowe:-Mu,asasada Al-minhaaj ee dowladda Puntland ayaa maantay qabtay xaflad ay ku soo bandhigaysay waxqabadkeedii mudadii ay xilka haysay warbixintaan oo ahayd mid dhinacyo badan taabanaysay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socota dowladda Puntland culima awdiin magacdheer ku leh Soomaaliya.

Waxaa ugu horaynba hadalka lagu furay Ayaad Quraanka ah waxaana ka dib lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha Duqa magaalda Garoowe C/casiis Nuur Cilmi Koor waxana uu ka mahad celiyay xafladaan qiimiga badan isagoo tilmaamay in Mu,asasada Al-minhaaj aan la in kiri karin waxaana uu ku dhiiri galiyay in a dadaalkoodii sii wadaan.

Waxaa isna dhankiisa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali, gudoomiyaha oo ku dheeraaday sidda loogu baahan yahay in Mu,asassadu ay u sii wadi lahayd adeega bulshada iyo ka wacyi galinta wax yaabaha xun xun ay tahay mid lagama maarmaan ah waxaana uu ilaah uga rajeeyay maamulkii xilka soo hayey iyo kan cusub ee la filayo in la doorto maalmaha soo socda in illaah garabkooda galo xaqiiqna waxaan uga mahad celinaynaa sidda wanaagsan ee Minhaaj bulshada u jeclaysiisay wadajirka iyo midnimada.

Waxaana gudoomiyuhu ku soodhaweeyay wasiirka wasaarada diinta cadalaadda iyo dhaqan celinta ee dowladda Puntland mudane Ismaaciil Maxamed Warsame Waxaana wasiirku qiray wada shaqaynta ka dhaxaysa Mu,asasada Al-minhaaj iyo guud ahaan bulshada gaar ahaan wasaarada diinta iyo awqaafta waxaana uu sheegay in waxbadan oo ahayd in aan anagu qabano kawasaarad ahaan ay Minhaaj u qabatay bulshada waxaana uu uga mahadceliyay tilaabadii taariikhiga ahayd ee ay Mu,asasadu in ka badan 26000 oo neef ugu qaybisay dadkii duufaantu ku dhufatay.

Wasiirku ayaa ugu dardaarmay bulshada reer Puntland in ay la shaqeeyaan cidii wanaaga ka shaqaynaysa oo ay ugu horayso Mu,asasadda Al.minhaaj .Waxaa dhinaca culimada u hadlay Sh.C/naasi X.Axmed sheekha oo soo jeediyay wacdi iyo waana guud waxaa uu ku dardaarmay in wadajirka iyo midnimada la adgeeyo nimcada eebe inasiiyayana lagu xamdiyo .

Ugudanbayntii waxaa lagu soodhaweeyay Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku hadlayay magaca aasaasayaasha Mu.asasada Alminhaaj waxaana sheekhu cadeeyay in Minhaaj ay gaarto heerkaan waxaa sabab u ah ay yihii labadii sheekh ee ladilay Sheekh C/qadir Nuur faarax Iyo Dr Sh Axmed Xaaji eebe ha unaxariistee hana looduceeyo ayuu yiri sheekhu

Gabagabadii waxaa maamulkii Mus’ssadda Al-Minhaaj ay bilaabeen in ay soo bandhigeen wax qabadkoodii mudadii ay xilka hayeen iyo goobtana lagu soo bandhigay shaqo wanaagsan oo taariikhi ah .

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warfaafinta
Mu,asasada Alminhaaj

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online