Mutamarkii Xagaaga ee Skandinavianka ka bilaaban doona Stockholm 07-10 AGUST 2014

August 6, 2014 - Written by Editor

3STOCKHOLM:-Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool waqooyiga Yurub iyo nawaaxigeeda in la qaban doono Mu’tamarkii ama Shirkii Xagaaga ee sanad walba ka dhici jiray dalka SWEDEN. Mu’tamarkan oo ah kii 22aad, waa midka ugu da’da weyn mu’tamaraadka ay qabtaan jaaliyadaha Soomaalida meel walba ooy joogaan, waxaana iska leh qabanqaabadiisa Ururada Islaamiga ah ee wadamada Skandinavian-ka. Wuxuuna ka dhici doonaa sanadkaan magaalada Stockholm /Sweden, 07-10 August 2014 oo ku aadan ( Khamiis, Jimco, Sabti iyo Axad). Waxaana ka qayb qaadan doona culimo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-
1- Dr. Sh. Cali Maxamed Salax Norway

2- Sh. Maxamed Cabdi Umal Kenya

3- Sh. Maxamed Idiris Saudi Arabia

4- Sh. Yusuf Axmed Sweden

5- Sh. Mustafe Xaaji Ismaciil Somaliya

6- Sh. Cabdiraxman Abyad Danmark

7- Sh. Saciid Raage Canada

8- Sh. C/wali Maxamed X Yuusuf Finland

9- Dr. Sh. Maxamud Abdiraxman (Hoori) Saudi Arabia

10- Dr. Sh. Haaruun Cabdiraxmaan Saudi Arabia

Cinwaanka mu’tamarka: Rinkebytorget 2 Spånga Stockholm

Waxaa si Live ah aad ugala socon kartaa  Mareegaha kala ah Mutamar.net, Halgan.net iyo weliba Paltalk

Wixii Faahfaahin ah: Masjidka: +4687955080
ama Mobile: +4673-7877136 ama Mobile: +46 737454804

FG: Waxaa la diyaariyay goobtii hurdada, laakiin horay usoo qaado gogoshaada jiifka.

Maamulka Mutamarka
Swedan, Halga.net

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online