Nicholas Kay oo soo dhaweeyey in Ximan iyo Xeeb ay ogalaatay maamulka loo dhisayo Gobolladda dhexe[Dhagayso]
August 6, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo ka qayb galay xaflad loo qabtay in maamulka Maamulka Ximan iyo Xeeb ay ogalaadeen heshiis maamul loogu samaynayo Gobolladda dhexe oo ay ku midoobayaan Gal-Mudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunah. Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa khudbada uu ka jeediyey xaflada waxaa uu u mahad celiyey madaxweynaha maamulkan Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Maxamed Baarleex oo saxiixay hishiiska maanta waxaa kale oo uu mahad celin u jeediyey Gal-Mudug iyo Ahlusunaha.
Heshiiska maanta ayaa imaanay ka dib maalmo ka hor markii la sheegay in maamul loo dhisayo gobollada dhexe oo ay ku heshiiyeen oo wada saxiixeen yihiin masuuliyiin ka tirsanaa Gal-Mudug , Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunah ayna goob joog ka ahaayeen Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay , iyo xubno ka socday IGAD arrinkaas oo dhalisay booq iyo jahwareer siyaasadeed.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka loo dhisayo Gobollada dhexe ay ku hishiiyeen Maamulada kala ah Ximin iyo Xeeb Gal-Mudug iyo Ehlu suna waljameeca si loo sameeyo hal maamul.
Hoos ka Dhagayso Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/0e9oxpao3x/nkay.mp3]A/cawaale
Halgan.net