Nin ku labisnaa dharka dumarka oo lagu qabtay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.[Video]

August 8, 2014 - Written by Editor

ninkiiBoorame:-Ciidanka Booliska ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay waxaa ay qabteen nin ku labisan dharka dumarka gaar ahaan Xijaab dumarka iyo Indho-shareer xili uu ka dukaamaysanayey Suuqa qudaarta ee magaalada. Taliyaha  qeybta  Booliska ee gobolka Awdal  Cabdi Barqad Kheyre  oo la hadlay saxaafadda  ayaa waxaa uu mahad balaadhan u soo jeediyey gabar reer Boorame ah oo ciidanka amaanka ku wargelisay ninka la qabtay maadaama ay ka shakisay.

Taliyaha  qeybta  Booliska ee gobolka Awdal  Cabdi Barqad Kheyre  ayaa sheegay in ay ninka lagu qabtay isagoo labisan dharka dumarka ay ku wadaan baaritaan ayna ogaan doonaa sababta ku kaliftay in Xijaabka dumarka  uu soo xirto. Ugu danbayntii ayaa Taliyaha  qeybta Booliska ee gobolka Awdal  Cabdi Barqad Kheyre  waxaa uu ka cod saday dadweynaha reer Boorame in ay la shqeeyaan ciidanka si looga hortago wax walba oo khalkhal iyo nabadgalyo xumo keeni kara.
Hoos ka Daawo Video-ga ninka labisnaa dharka dumarka ee lagu qabtay magaalada Boorame

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online